crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La-yaab: Meyd iska dhig si deynta lagaaga cafiyo! | HimiloNetwork

La-yaab: Meyd iska dhig si deynta lagaaga cafiyo!

MUQDISHO (HN) — Waxay awoodi waysay inay iska bixiso lacag deyn ah oo lagu lahaa oo dhan  $268. Markii hore waxaa la siiyay fursad labaad. Laakiin markii la gaaray maalintii balanta, waxay ku fikirtay wax ay adag tahay inay ku fikiraan dadka nool. Waxayna iska dhigtay qof meyd ah. Sawirkeeda oo sanka looga gufeeyey cudbi – lana huwiyay maryo cad ayay soo dhigtay baraha bulshada.

Dhacdadan waxay ka dhacday dalka Induniisiya. Waxaana wiilkeeda oo la qorsheeyey sheekada uu sheegay in hooyadiis ay ku geeriyootay shil gaari. Laakiin wuxuu noqday qorshe dhicisoobay.

Booliska oo dhacdadan ka warhelay ayaana ugu dambeyntii ku guuleystay in haweeneydan ay ka qaadaan lacagtii lagu lahaa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!