MUQDISHO (HN) — Baaq lagu tilmaamay isu-naxariisasho iyo walaalnimo ayuu sameeyey Masjidka Birmingham kaddib kolkii uu soo dhaweyn furan u sameeyey kuwa aan heli karin meel ay gabaadsadaan waqti uu qabowgu si daran uga jiro Yurub.
“Maadama qiimaha wax iibsiga iyo qabowguba ay sare u kaceen, kaalay oo agteenna ku qaado diirimaad iyo hurdo raaxo leh,” ayuu yiri imamka Masjidka, Anwar Ul Uloom.
“Wax lacag ah kuma bixinayso inaad halkan ku heshid shaah kulul, buste iyo meel aad gabaad uga heshid qabowga jira,” ayuu sii raaciyay.
Tallaabtan uu Masjidkan ku dhaqaaqay ayaa qeyb ka ah ol’ole loogu gurmanayo kuwa ayaanka liita ee xilliga qaboobaha aan awoodi karin meel ay ciirsadaan.
Mana ahan oo qura masaajidda. Xataa maktabadaha iyo xarumaha kale ee dadweynaha ayaa tallaabtaas oo kale qaadaya.
Muslimiinta Britain ayaa aalaaba lagu yaqaan inay horseed u noqdaan howlaha samafalka ah ee loogu gurmanayo dadyowga taagta daran ee aan awoodi karin inay iskaga filnaadaan maareynta nolosha.

You must log in to post a comment.