crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Feeryahanka Tony Bellow ‘oo ku amaanay’ Qadar ‘mamnuuciddii Khamriga’ | HimiloNetwork

Feeryahanka Tony Bellow ‘oo ku amaanay’ Qadar ‘mamnuuciddii Khamriga’

MUQDISHO (HN) — In kasta oo xog-ururin madax-bannaan oo hordhac ah taas oo lagu sameeyey tartamadii ugu wanaagsanaa koobka adduunka ee la qabtay qarnigan 21aad ay ku guuleystay daka Qadar oo sannadkan marti-geliyay koobka, haddana waxaa soo baxaya bogaadi iyo hambalyeyn isla socda oo lagu amaanayo sida quruxda ee dalkan yar u marti-geliyay dhacdadan caalamiga ah.

Feeryahanka reer UK ee Tony Bellow ayaa amaanay Qadar maadaama sida uu yiri ay dunida u ifisay foolxumida iyo xumaanta ay leedahay cabidda iyo isticmaalka maandooriyaha sida khamriga.

Tartankii soo dhammaaday waxaa lagu xusuustaa inuusan la socon wax qalalaaso ama rabashado ah oo ay geysanayeen taageerayaasha xulalkii ku tartamayay koobkan. Mid kamid ah sababihii suuragaliyay inaysan taasi dhicinna, waa mamnuucidii lagu sameeyey cabidda khamriga inta uu socdo tartanka.

Tony wuxuu sheegay in Qadar ay bog cusub oo taariikhda casriga ah mahuraan u ah ay kusoo kordhisay dhacdadan weyn. Wuxuuna ku amaanay sida ay isku dheelli-tirtay baahiyaha, bedqabka iyo baashaalka intii la daawanayay kulamadii koobka adduunka.

Dad badan oo caan ah ayaa barta twitterka ilaa iyo hadda iskula wadaagaya casharadii laga bartay Qadar intii uu socday koobkan oo aanay dhicin rabshado iyo isqabqabsi taageerayaal.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!