crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Edmenton oo gabbaad siinaya Darbi-jiifta Qabowgu ku heyso Jidadka. | HimiloNetwork

Masjidka Edmenton oo gabbaad siinaya Darbi-jiifta Qabowgu ku heyso Jidadka.

MUQDISHO (HN) — Xilli qabowgu uu si daran u kulaalayo qeybo badan oo kamid ah Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Kanada ayaa isku taagaya inay gacmo furan kusoo dhaweeyo dibjirta ama darbi-jiifta qabowgu ku heysto gidaarada – isaga oo u fidinaya gogol iyo bustayaal ay kaga gaashaantaan.

Masjidka Al-Rashid wuxuu ku yaalla magaalada Edmenton. Wuxuuna afartii sannadood ee lasoo dhaafay albaabada u balaqayay dibjirta si ay uga gabaadsadaan qabowga.

Imamka Masjidka Sadique Pathan ayaa yiri: “Waa inaan qofna lagu fiirsan qabowga daran ee jira. Waana inaynu wadaagno waxa yar oo aan heysanno.”

Heerka qabowga ayaa gaaray -20 gudaha Kanada. Kaliya magaalada Edmenton waxaa ku nool 2,700 oo darbi-jiif ah oo 800 oo kamid ah ay jidadka seexadaan.

Gudaha Masjidka ayaa si kastaba lagu diyaariyay 75 sariirood oo ay seexdaan darbi-jiifta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!