MUQDISHO (HN) — Muslimad sida la isku difaaco barta dadka oo ku nool UK ayaa noqotay muxajabaddii koowaad ee fuusha buurta dunida ugu dheer ee Everest tiiyoo ay dhaawac ka qabtay anqawga.
Guusha halgankeeda ayay uga gol lahayd inay ku dhirri-geliso inta kale ee la nool duruufaha nolosha.
Zaynab Jogi, waxay ku biirtay koox 11 qofood ka koobnaa markii ay fuuleysay buurta. Waxaana soo gaaray dhaawac, balse kama horjoogsan marnaba inay tiigsato halka ugu sarreysa buurta.
Waxaana xusid mudan in taageerada dadkii la socday iyo gaar-hayaasha buurfuulayaasha ay garab istaag buuxa u sameeyeen. Waxay dhammeystirtay fogaan dhan 5,364 oo mitir oo kamid ah masaafada loo koro buurta.
Waa Muslimaddii koowaad ee kasoo jeeda Britain ee guushaas soo hoysa. Bilowgii sannadkan sii dhammaanaya, ayuu Akke Rahman oo ah Muslim kale oo ku nool UK noqday Muslimkii ugu horreeyey ee fuula buurta Everest.
You must log in to post a comment.