crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Gacma-laawaha Pakistaniga ah ee yahanka ku noqday kubadda Miiska + Sawirro. | HimiloNetwork

La kulan – Gacma-laawaha Pakistaniga ah ee yahanka ku noqday kubadda Miiska + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Ikram waa 32 jir naafo ah, balse guulo badan kasoo hooyay cayaarta cayaarta miiska. Halka dadka caadiga ah ay gacmahooda adeegsadaan, isagu malahan labadiisa gacmood. Taas beddelkeeda madaxiisa ayaa u ah awoodda kaliya oo uu tartanka kaga qeybgalo.

Wuxuu ku nool yahay miyiga gobalka Punjab ee dalka Pakistan. Wuxuuna ku dhashay gacmo la’aan. Hayeeshe, taasi kama horjoogsan inuu eryado riyadii carruurnimadiisa oo ahayd inuu mar un kamid noqdo dadka cayaarta miiska si fiican u yaqaan.

Markii uu 10-jirka ahaa, Ikram wuxuu xusuustaa sida uu u jeclaan jiray daawashada ilmaha kale marka ay cayaarayaan kubadda miiska. Wuxuu rajeeyaba inuu tookadiisa arki lahaa isaga oo dheelaya, hadda kaliya si fiican uma baran cayaarideeda, wuxuu sidoo kale kasoo hooyay guulo la taaban karo.

“Waqtigaas anigana waxaan naawili jiray inaan lahaan lahaa labo gacmood si aan asaagayga ula dheelo,” ayuu u sheegay AP.

Ugu dambeyntii, isaga oo ogsoon kuna kalsoon awoodda qof ahaaneed ee weli ku jirta, wuxuu doortay inuu aado goobaha lagu dheelo cayaarta miiska. Dadka jooga goobahaas, way ku adkaan jirtay inay rumeystaan in Ikram ku dheeli karo madaxiisa ama garkiisa.

Laakiin gunaanadkii waxay aqoonsadeen kartidiisa iyo sida kalsoonida leh oo uu ula tartami karo asaagiisa.

Maxamed Nadeem oo ah lihilaha goob kamid ah goobaha lagu cayaaro kubadda miiska, wuxuu xusuustaa ereygii ugu horreeyey oo uu ku yiri Ikram markii ay kulmayeen.

“Waxaan u sheegay ‘maya ma cayaari kartid micnahayga ma sameyn kartid,” ayuu yiri.

Laakiin kuma mergan jawaabtiisa laga sugayay Ikram. Wuxuu si ficil ah ugu muujiyay inuu kari karo.

“Aad buu runtii uga fiicnaaday kuwa kale ee gacmahooda ku dheela,” ayuu qiray Nadeem.

Taniyo markaas, Ikram wuxuu ku guuleystay koobabka tartamo gudaha ah – shacbiyadda uu ku dhex yeelanayo dadweynahana, way sii koraysaa. Hadalheynta badan oo saxaafaddu aad uga hadasho awgeed, wuxuu hadda caan ka noqday guud ahaan dalka Pakistan.

Labo wiil iyo shan gabdhood ayaa la dhalatay. Laakiin waa qofka ugu mudan ee qalbiga hooyadiisa hantay.

Labadiisa waalid waxay u fidiyeen taageero iyo aaminaad buuxda markii uu ugu baahida badnaa cid siisa kalsooni iyo dhiirrigelin.

Hadda wuxuu doonaya inuu hibadiisa kusoo bandhigo meelo ka baxsan dalkiisa. Wuxuuna jeclaan lahaa inuu dalkiisa usoo hooyo sumcad iyo amaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!