crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka Saaxiibka ah la ah Kalluunka ama Mallaayga. | HimiloNetwork

La kulan – Ninka Saaxiibka ah la ah Kalluunka ama Mallaayga.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Fiitnaam ayaa caan ka noqday dalkiisa kaddib markii la ogaaday in maalin walba ay soo booqdaan malaay webiga. Xaqiidiina aad buu u daryeelaa.

Guriga ninkan oo lagu magacaabo Muoi Phuc ee gobalka An Giang, wuxuu noqday barkulanka dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka kuwaas oo ugu yimaada si ay u daawadaan kalluumada uu quudinayo.

52 jirkan ayaa soo waday dhaqankan labadii sannadood ee lasoo dhaafay, tiradooduna aad bay u korortay. Maantana si joogto ayay marka ay soo raacaan qulqulka biyaha webiga ugu joogsadaan gurigiisa hortiisa si ay wax uga cunaan.

Kama cabsoodaan in la dabto ama la dilo. Waxayna xornimo ku dareemaan agjoogiisa. In kale oo isku dayday inay sidiisa oo kale usoo jiitaan ayaa ku guuldarreystay. Isaga oo kaliya ayay isku hubaan oo ay la kulankiisa ku kalsoon yihiin.

Si kedis ah ayuu maalin ula kulmay raxan kalluun ah oo agagaarka gurigiisa hor dabaalanaya kuwaas oo afka kala taagaya. Wuxuu dareemay inay baahan yihiin. Quudintii uu berigaas soo bilaabay ayuu ilaa iyo maanta u joogteeyaa. Iyaguna kama baaqdaan maalin kaliya la kulankiisa. Waxayna noqdeen saaxiibo.

Tiradooda waxaa lagu qiyaasaa mararka qaar kun xabbo. Waxayna isugu jiraan dhowr jaad ama nuuc oo uu kalluunku u qeybsamo. Qofnana ma oga halka ay ka yimaadaan.

Waxa kaliya oo uu Muoi Phu ogsoon yahay ayaa ah in qarashka uu ku bixiyo cunnadooda ay sare kacday maadama ay aad uga soo bateen intii ay berigii hore ahaayeen.

Dad badan ayaa halkan ku barta kulana kulma nuucyada kala duwan ee malaayga. Habeenkii marka la gaaro doonley badan ayaa u daadsada shabaqa si ay u dabtaan kalluumada. Waana un marka kaliya oo ay ogaadaan in Phu iyo aabbihiis ay guriga joogin. Inta kale, kuma dhacaan inay halkan ka dabtaan ama ka ugaarsadaan kalluunka martida usoo noqday.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!