MUQDISHO (HN) — Laacibka Senegal, Kalidou Koulibaly, goolkii guusha u dhaliyay xulkiisa kulankii Ecuador kaas oo dalkiisa uu kaga soo baxay is-aragga koowaad, wuxuu ogsoon yahay waxa ay ka dhigan tahay nolosha oo lala halgamo.
Wuxuu ku dhashay Faransiiska. Wuxuuse aqoonsi buuxda ka heysta faqriga iyo gaajada ay la ildaran yihiin dadkiisa ku nool Senegal.
Wuxuuna inta badan isku dayaa inuu wax ku celiyo dadkiisa kana caawiyo baahiyaha aas-aasiga ah ee nolosha ee dhuuniga iyo dharka ama marashiga.
Tan ugu yar deeqsinimadiisana, waa inuu inta badan gacan u fidiyo danyarta jidadka taagan sida wiil yar oo uu beri dhawayd siiyay lacag 500 oo Euro ah. Xattaa marka ay timaado bixinta qarashaadka caafimaadka ee laga dhiibayo danyarta xanuunsan wuxuu ku jiraa kaalmaha hore.
Inta badan waxaynu maqalnaa deeqsinimada Saido Mane, laakiin ma ahan qofka kaliya. Waxaana hadda soo baxaysa in da’yar badan oo xirfadlayaasha kubadda cagta ee qaranka Senegal ay hantidooda ugu deeqayaan dadkooda baahan.
Gaari ambalaas ah ayuu dhawaan ugu deeqay isbitaalka guud markii uu gaaray da’da 30 jirka. Wuxuuna dhowr shey oo agabyada caafimaadka ah u daabulay waddankiisa si dadkiisa loogu adeego.
You must log in to post a comment.