crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mamnuucista Khamriga, hadda haweenka taageerayaasha waxay dareemayaan amni iyo xasilooni gudaha Qadar. | HimiloNetwork

Mamnuucista Khamriga, hadda haweenka taageerayaasha waxay dareemayaan amni iyo xasilooni gudaha Qadar.

MUQDISHO (HN) — Sida haween badan oo iyada lamid ah, Ellie Molloson waxay ahayd mid ka laba-labeysa ka qeybgalka tartanka caalamiga ah ee koobka adduunka.

Laakiin aragti iyo muuqaal aad uga duwan midkii ku sawirnaa maskaxdeeda ayay ugu timid halkan oo ah gudaha dalka Qadar.

Haweenka taageerayaasha ah ee garoomada la dhinac fariisanaya ragga waxaa aalaaba loo filan jiray inay la kulmaan handadaad, gacma-gacmeys iyo dabcan jirdil.

“Laakiin halkan kama jirto wax dhaqan cabsi iyo walwal la xiriira,” ayay tiri Molloson.

Sababtuna waa mamnuucista cabitaanka khamriga ama aalkolada oo gebi ahaanba laga reebay in lagu iibiyo dalka Qadar inta ay socdaan cayaaraha kubadda cagta ee koobka adduunka.

Waana markii ugu horreysay taariikhda kubadda cagta oo cabidda khamriga laga mamnuuco dhacdadan caalamiga ah ee afartii sannaba mar la qabto.

“Wax walba oo horay u dhici jiray oo ay haweeneydan taageerada ah ay ka filan kartay inay kala kulmi karto gudaha garoomada kubadda cagta ayaa ii sawirnaa inaan wajahayo,” ayay tiri.

“Balse muuqaal kaas aad iyo aad uga weydaaran ayaan ugu nimid dalka Qadar.”

Waxay sheegtay inay xattaa aabaheed usoo wadatay caawiye iyo ilaaliye, balse hadda aysan u baahneyn ag-jooggiisa in badan maadaama ay nabad iyo bedqab ku dareemeyso gudaha iyo dibadda garoomada lagu cayaarayo koobka adduunka.

“Go’aankii noogu muhiimsanaa oo halkan lagu gaaray, haddii aan nahay dumarweynaha adduunka ee ka qeybta ah koobka adduunka waa mamnuucista khamriga iyo maandooriyaha,” ayay tiri Joy Nkuna oo iyadna joogta Qadar.

“Waayo waa dhif iyo madhacdo inaad la kulanto nin soo cabay oo kugu soo dhacdhaca ama shaqsiyadaada usoo bareera.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!