crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Kanada oo gargaar la gaaraya danyarta Qabowgu kulaalayo! | HimiloNetwork

Muslimiinta Kanada oo gargaar la gaaraya danyarta Qabowgu kulaalayo!

MUQDISHO (HN) — Xilli qabow daran uu ka jiro dalka Kanada, darbi-jiifta iyo kuwa ayaanka liita ee danyarta ah ma wada awoodi karaan inay helaan jaakado ay dhaxanta uga gaashaantaan. Qoysas badan oo la daalaa-dhacaya dhacsiga nolol maalmeedkana way ku adag tahay inay iibsadaan.

Hey’adda Islamic Relief Canada ayaa si kastaba, ayaa hadda isku dayaysa inay kaalintaas buuxiso, sida ay kusoo warramayso CBC News.

Ol’olaha oo loogu yeero walaalnimo, wuxuu qoysaska danyarta ah iyo darbi-jiiftaba ka caawinaya inay helaan jaakado ay dhaxanta uga okortaan.

Da’yar badan oo Muslimiin ah ayaana qeyb ka ah ol’olaha oo aysan ahayn markiisii koowaad oo lagu fuliyo gudaha dalka Kanada.

Jaakadaha waxaa la socda gacmo-geshiyo, lugo-geshi ‘sigsaan’ iyo wixii la halmaala. Waxaa intaas dheer adeegyada nadaafadda sida saabuun ayaa la siinaya danyarta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!