crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Gabadhii walaalkeed lacag ‘u ururinaysay’ si uu ugu guursado! | HimiloNetwork

Sheekada Gabadhii walaalkeed lacag ‘u ururinaysay’ si uu ugu guursado!

MUQDISHO (HN) — Jaceylka labada waalid ay kuu qabaan marka laga soo tago, walaashaa jaceylka ay kuu heyso majiro qof kale oo aad ka heleysid. Haddii aad u baahan tahay tusaale nool oo aad ku hubsan kartidna waa sheekada soo aadan.

Haweeneydan u dhalatay Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay muddo 12 sannadood ah ururinaysay lacagtii uu walaalkeed la dhashay ku guursan lahaa ama uu isaga bixin lahaa qarashka guurka.

Yoolkeedu wuxuu hadiyo jeer ahaa inay aragto walaalkeed oo hela lammaane uu nolosha la qeybsado. Xaqiidii, ma ahan wax qarsoon in helidda lammaane aad guursato ay adag tahay marka aad joogtid Shiinaha.

Sababtuna waa isku dheelli-tir la’aanta lab iyo dhedigta oo aad u baaxad weyn taas oo ka dhalatay siyaasaddii dhalmada halka cunug ee la dhaqan geliyay sannadkii 1978-kii. Sidaas darteed, rag badan waxay lammaane ay nolol wadaagaan u raadsadaan dalalka deriska ah iyo miyiga fog ee Shiinaha. Lacag adag ayaase ku baxaysa heliddeeda.

Shiinaha waxaa aad ugu badan ragga doobabka ah ama aan guursan oo da’doodu kor u dhaaftay 30 jirka.

Sidaas darteed ayay haweeneydan intaas oo sannadood lacag ugu ururinaysay walaalkeed si uu ugu helo gabar uu guursado. Waxay sheegtay inay keydisay adduun dhan 100,000 yuan ($14,000) oo beddelkii ay ka isticmaali lahayd ay doorbiday inay sii maalgeliso si walaalkeed uu ugu guursado marka ay si fiican ugu badato.

Waxay sheegtay in xattaa markii ay dhar cusub iibsan jirtay ay ka fikiri jirtay inay keydiso ama ay iska dhaafto si ay ugu badato walaalkeed.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!