crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Muslimadda farxad-gelisa Danyarta Maraykanka. | HimiloNetwork

La kulan – Muslimadda farxad-gelisa Danyarta Maraykanka.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo dooneysa inay farxad-geliso, ayay Sister Aminah Abdullah maalin aroorteed ay bilowday howlgal samafalka iyo wax-u-qabasho umadeed ah.

Gaari ayay kasoo buuxisay jaadadka kala duwan ee mira-magaalka iyo qudaarta, waxayna hordhigi jirtay guryaha ay ku degan yihiin kuwa danyarta ah.

Howlgal joogto ah ayuu u ahaa mashruucan taniyo markii uu dunida ku baahay xanuunka Covid-19. Hadda 16-kii qoys oo ay ku bilaabeen samafalka, waxay kor u dhaafayaan 350 qoys oo iyagana danyar ah.

“Waa fal lama huraan ah u ah nolosheenna, waayo diinteenna ayaa nagu boorinaysa inaynu u kala dheereyno samafalka,” ayay tiri. “Waana ujeedada xarunteenna loo hirgeliyay si aan u kaalmeyno kuweenna la halgamaya nolosha.”

Cunnooyinka ay qeybiyaan aalaaba waxay ku gaar yeelaan kuwa aan ka bixi karin aqalladooda sida kuwa da’da ah iyo hooyooyinka garoobada ah ee korsanaya ilmahooda kuwaas oo dhanna uga bixi karin guryaha. Intooda badan waa qaxooti ka yimid dalalka Asiya.

Marka loo eego US Census Bureau, ku dhawaad 38 milyan oo Maraykanka ku nool ayaa wajahaya saboolnimo baahsan. Mana heystaan wax ay cunaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!