crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> December | 2022 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: December 2022

Masjidka Edmenton oo gabbaad siinaya Darbi-jiifta Qabowgu ku heyso Jidadka.

MUQDISHO (HN) — Xilli qabowgu uu si daran u kulaalayo qeybo badan oo kamid ah Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Kanada ayaa isku taagaya inay gacmo furan kusoo dhaweeyo dibjirta ama darbi-jiifta qabowgu ku heysto gidaarada – isaga oo u fidinaya gogol iyo bustayaal ay kaga gaashaantaan. Masjidka Al-Rashid wuxuu ku yaalla magaalada Edmenton. Wuxuuna ...

Read More »

Muslimaddii ugu horreysay UK ee fuusha Buurta Everest.

MUQDISHO (HN) — Muslimad sida la isku difaaco barta dadka oo ku nool UK ayaa noqotay muxajabaddii koowaad ee fuusha buurta dunida ugu dheer ee Everest tiiyoo ay dhaawac ka qabtay anqawga. Guusha halgankeeda ayay uga gol lahayd inay ku dhirri-geliso inta kale ee la nool duruufaha nolosha. Zaynab Jogi, waxay ku biirtay koox 11 qofood ka koobnaa markii ay ...

Read More »

La kulan – Gacma-laawaha Pakistaniga ah ee yahanka ku noqday kubadda Miiska + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Ikram waa 32 jir naafo ah, balse guulo badan kasoo hooyay cayaarta cayaarta miiska. Halka dadka caadiga ah ay gacmahooda adeegsadaan, isagu malahan labadiisa gacmood. Taas beddelkeeda madaxiisa ayaa u ah awoodda kaliya oo uu tartanka kaga qeybgalo. Wuxuu ku nool yahay miyiga gobalka Punjab ee dalka Pakistan. Wuxuuna ku dhashay gacmo la’aan. Hayeeshe, taasi kama horjoogsan ...

Read More »

La kulan – Ninka Saaxiibka ah la ah Kalluunka ama Mallaayga.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Fiitnaam ayaa caan ka noqday dalkiisa kaddib markii la ogaaday in maalin walba ay soo booqdaan malaay webiga. Xaqiidiina aad buu u daryeelaa. Guriga ninkan oo lagu magacaabo Muoi Phuc ee gobalka An Giang, wuxuu noqday barkulanka dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka kuwaas oo ugu yimaada si ay u daawadaan kalluumada uu quudinayo. 52 ...

Read More »

Waa kuma laacibka deeqsiga ah ee bulshadiisa ku celiya qeyb kamid ah dakhligiisa?!

MUQDISHO (HN) — Laacibka Senegal, Kalidou Koulibaly, goolkii guusha u dhaliyay xulkiisa kulankii Ecuador kaas oo dalkiisa uu kaga soo baxay is-aragga koowaad, wuxuu ogsoon yahay waxa ay ka dhigan tahay nolosha oo lala halgamo. Wuxuu ku dhashay Faransiiska. Wuxuuse aqoonsi buuxda ka heysta faqriga iyo gaajada ay la ildaran yihiin dadkiisa ku nool Senegal. Wuxuuna inta badan isku dayaa ...

Read More »

Mamnuucista Khamriga, hadda haweenka taageerayaasha waxay dareemayaan amni iyo xasilooni gudaha Qadar.

MUQDISHO (HN) — Sida haween badan oo iyada lamid ah, Ellie Molloson waxay ahayd mid ka laba-labeysa ka qeybgalka tartanka caalamiga ah ee koobka adduunka. Laakiin aragti iyo muuqaal aad uga duwan midkii ku sawirnaa maskaxdeeda ayay ugu timid halkan oo ah gudaha dalka Qadar. Haweenka taageerayaasha ah ee garoomada la dhinac fariisanaya ragga waxaa aalaaba loo filan jiray inay ...

Read More »

Muslimiinta Kanada oo gargaar la gaaraya danyarta Qabowgu kulaalayo!

MUQDISHO (HN) — Xilli qabow daran uu ka jiro dalka Kanada, darbi-jiifta iyo kuwa ayaanka liita ee danyarta ah ma wada awoodi karaan inay helaan jaakado ay dhaxanta uga gaashaantaan. Qoysas badan oo la daalaa-dhacaya dhacsiga nolol maalmeedkana way ku adag tahay inay iibsadaan. Hey’adda Islamic Relief Canada ayaa si kastaba, ayaa hadda isku dayaysa inay kaalintaas buuxiso, sida ay ...

Read More »

Sheekada Gabadhii walaalkeed lacag ‘u ururinaysay’ si uu ugu guursado!

MUQDISHO (HN) — Jaceylka labada waalid ay kuu qabaan marka laga soo tago, walaashaa jaceylka ay kuu heyso majiro qof kale oo aad ka heleysid. Haddii aad u baahan tahay tusaale nool oo aad ku hubsan kartidna waa sheekada soo aadan. Haweeneydan u dhalatay Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay muddo 12 sannadood ah ururinaysay lacagtii uu walaalkeed la dhashay ...

Read More »

Qatar oo si fiican u meteshay kaalinteeda baahinta Islaamka iyo quruxda Muslimiinta!

MUQDISHO (HN) — Koobka adduunka sannadkan maadaama lagu qabanayo dal Muslim ah markii ugu horreysay taariikhda, waxaa laga diiwaangelinayaa sheekooyin xusuus iyo taabaggal ku noqon doonaa hadda kaddib geeddisocodka dhacdadan caalamiga ah. Jimcooyinkii lasoo dhaafay, garoomada kubadda cagta lagu dheelayo ee Qadar waxaa lagu arkayay bandhigyo cajiib ah oo boqollaal kun oo Muslimiin taageerayaal ah ay isugu soo baxayaan si ...

Read More »

Masaajidda Qadar oo qaabilaya dadweyne xiisaynaya barashada ilbaxnimada Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Ku dhawaad hal milyan ayaa sannadkan yimid dalka Qadar si ay daawadaan koobka adduunka. Maalin walbana waxaa masaajidda Dooxa booqanaya kumaankun taageerayaal ah oo doonaya inay wax ka bartaan dhaqanka iyo ilbaxnimada iyo taariikhda umadda Carabta iyo guud ahaan bulshada Islaamka. Masjidka Great Katara Blue ayaana kamid ah. Waxaa si joogto ah jeer walba u booqda dad ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!