MUQDISHO (HN) — Ku dhawaad hal milyan ayaa sannadkan yimid dalka Qadar si ay daawadaan koobka adduunka. Maalin walbana waxaa masaajidda Dooxa booqanaya kumaankun taageerayaal ah oo doonaya inay wax ka bartaan dhaqanka iyo ilbaxnimada iyo taariikhda umadda Carabta iyo guud ahaan bulshada Islaamka.
Masjidka Great Katara Blue ayaana kamid ah. Waxaa si joogto ah jeer walba u booqda dad isugu jira lab iyo dhedig.
Marka loo eego The Peninsula Qatar, xiiseeyaasha kubadda cagta ayaa hadda aad u daneynaya inay wax badan ka fahmaan taariikhda dalkan yar ee Muslimka ah ee Bariga Dhexe ku yaalla kaas oo adduun dhan 220 bilyan ku bixiyay marti-gelinta koobka adduunka.
Qaar badan oo kamid ah booqdayaasha ayaa sheegay inay wax badan ka fahmeen Islaamka iyo ilbaxnimadii uu dunida u horseeday iyo nolosha iyo sooyaalka dhabta ah ee Suubanaha NNKH.
Dadka ayaa aad loogu sahlay inay wax weydiin karaan dadweynaha soo booqanaya masaajidda si looga mugdi bixiyo madmadowga ay ka qabaan Islaamka, Carabta iyo Muslimiinta guud ahaan gaar ahaan dalka Qadar.
You must log in to post a comment.