crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yar Muslim ah oo haweeney u xambaaray inankeeda oo ay qaadi kari la’ayd. | HimiloNetwork

Da’yar Muslim ah oo haweeney u xambaaray inankeeda oo ay qaadi kari la’ayd.

MUQDISHO (HN) — Da’yar Carab Muslim ah oo u dhashay dalka Falastiin ayaa si niyad leh wuxuu u caawiyay laba haween oo dalka Brazil kasoo jeeda kuwaas oo mid kamid ah ay qaadi kari la’ayd cunugeeda. Wuxuuna ilaa goobtii ay u socdeen ku caawiyay inuu dushiisa ugu qaado cunugeeda.

Laakiin in yar kaddib da’yarkan Muslimka ah maanu fileyn inuu inankaas ku noqon doono wiil uu aabbe u yahay tabbaraha dalka Brazil, Mr Tite.

Husam Saffarini wax lur ah kuma heynin inuu hooyadaas taageere isboortiga ah uu caawiyo. Laakiin ficilkiisa ayaa taabtay qalbiyada dad badan oo aan Muslimiin ahayn kuwaas oo doonay inay u mahad celiyaan. Waxaana markii dambe uu la kulmay aabbaha inanka ahna sidoo kale tababbaraha xulka qaranka Brazil.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!