crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> July | 2019 | HimiloNetwork

Monthly Archives: July 2019

Mane ayaa Masjid, Iskuul iyo Isbitaal ka dhisaya Magaaladii uu ku dhashay.

MUQDISHO (HN) — Xiddiga xulka Senegal iyo kooxda Liverpool, Sadio Mane ayaa booqday dhismaha dugsi uu maal-geliyay oo laga dhisayo degmada uu kasoo jeedo. Mane oo kasoo laabtay finalka koobka African Cup halkaas oo xulkiisa uu ku hoggaamiyay kama-danbeysta ayaa u yimid si uu u qiimeeyo heerka uu marayo mashruuca uu maal-geliyay. Wuxuu sidoo kale kol hore u sameeyey xarun ...

Read More »

Haweeney 102 jir ah oo Sannadkan kamid ah Xujeyda.

MUQDISHO (HN) — Haweeney 102 jir ah, oo ka timid dalka Thailand, ayaa noqotay Xaajiyadda ugu cimriga dheer xujeyda sannadkan. “Waxaan jeclaa marwalba inaan soo xajiyo; laakiin fursaddaas hadda ayay ii timid si aan uga faa’iideysto,” ayay tiri Noh Lanai iyada oo faraxsan. Haweeneyda Muslimadda ah waxay safar uga timid Madiina al-Munawarah, waxaana wehlinayay reerka uu ka mid yahay wiilkeeda. ...

Read More »

Maxay laba Waalid Gabadhood ugu diideen inay u bixiyaan kellidooda?

DELHI (HN) — Gabar 16 jir ah ayaa sariirta isbitaalka ay ku jirto waxa ay ku sugeysaa wedkeeda, kaddib markii waalidkeedu u diideen inay u bixiyaan kelyahooda – waayo waa gabar. Kanchan Kumari oo ku nool Sheikhpura waxaa laba bil kahor soo ritay xanuun waxaana loola cararay isbitaal kaddib markii ay joogi weysay. Dhowr baaritaan oo la marsiiyay kaddib, dhaqaatiirta ...

Read More »

Itoobiya oo qorsheynaysa inay beerto 4 bilyan oo Geed.

MUQDISHO (HN) — Itoobiya ayaa maalin gudaheed waxay beertay 350 milyan oo geedo ah, sida saraakiishu sheegeen, tallaab lagu tilmaami karo rikoor cusub oo caalami ah. Ol’olahan oo looga golleeyahay in lagu dhimo halista nabaad-guurka iyo cimilada sii kululaanaysa, waxaa hoggaaminaya RW Abiy Ahmed. Xarumaha qaar ee dowladda ayaa albaabada la iskugu dhiftay si shaqaalaha rayidku ay qeyb uga noqdaan ...

Read More »

Sawirro: Burjikada Ceelbuur – Astaan Qaran.

MUQDISHO (HN) — Taariikhda qadiimiga ah oo Ceelbuur leedahay iyo degaan quruxsanaanteedu mar kasta ma ahan sababta ay kaga caan baxsan tahay inta kale. Mana ahan xittaa heesta Ceelbuur-ku-yaalle doorashada kaliya ee magaalada ka dhigtay in maqalkeeda la jeclaado. Burjikada Ceelbuur oo ah macaadin dhagax ah oo laga qodo magaalada ayaan kaliya sare-u-dhigin magaceeda, hayeeshe sidoo kale sannado badan wax-soo-saar ...

Read More »

Ciidda Carafo oo ku beegan 11 August.

MUQDISHO (HN) — Ciidul-Adxa waxaa la filaya inay dhalato maalin Isniin ah 11 bisha August ee sannadkan, marka loo eego hilaadin ay sameysay mareegta Moonsighting.com. Bisha Carafo ayaa ka bilaabanaysa 1-da bisha August, waxaana la filayaa in sidoo kale acmaasha Xajka ay isla goortaas la bilowdaan. Goor hore, xujeydii ugu badneyd ayaa ku qulqulay gudaha Makka iyo Madina si ay ...

Read More »

Horumarka ka jira Xirfadda Dawaarle-nimada.

MUQDISHO (HN) — Abduqaadir Ibraahim waa dawaarle. Laakiin habka tolliinka dharka ee harqaankiisu ma ahan qadiimi. Waa qaab casri ah. “Waxaan isticmaalaa koronto,” ayuu yiri Abduqaadir oo ku jira da’diisa 30-meeyada. “Muddo dheer ayaan bilownay kaddib markii aan aragnay wax-soo-saarkiisu inuu sahlan yahay.” Kaligiis kuma ahan dadka adeegsanaya qaabkan casriga ee toliinka harqaanka. Waxaa jira kumaankun lamid ah oo usoo ...

Read More »

Ninka 40 sanno aan jarin Timihiisa!

MUMBAI (HN) — 63-jir u dhashay Hindiya ayaa muddo 40 sano ah jarin timihiisa; kuna taaban wax biyo ah. Markaad aragto wuxuu kuula muuqanayaa sida xamaali madaxa ku sida jawaan. Sakal Dev Tuddu oo ah degan xaafadda Mandada ee gobalka Bihar dalka Hindiya wuxuu tarminayay timihiisa taniyo markuu jiray 22 sanno. Markii hore, sababtiisa goonnida ah ayuu u doorbiday inuu ...

Read More »

Baahida Rakaab walba.

MUQDISHO (HN) — Marwalba oo laga hadlo safarka iyo socdaalka, waxa ugu weyn ee lagu fikiraa waa qaadashada sahay kugu filan iyo jidmar sugan oo aad ku gaari karto meesha aad u socto. Inteenna badan marka ay galayaan safar waxay sida waagii hore u diyaarsadaan sabaayad iyo hlilib solan ay jiscin ahaan kolayga ugala soo baxaan mar kasta oo gaarigu ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!