MUQDISHO (HN) — Taariikhda qadiimiga ah oo Ceelbuur leedahay iyo degaan quruxsanaanteedu mar kasta ma ahan sababta ay kaga caan baxsan tahay inta kale. Mana ahan xittaa heesta Ceelbuur-ku-yaalle doorashada kaliya ee magaalada ka dhigtay in maqalkeeda la jeclaado.
Burjikada Ceelbuur oo ah macaadin dhagax ah oo laga qodo magaalada ayaan kaliya sare-u-dhigin magaceeda, hayeeshe sidoo kale sannado badan wax-soo-saar la mahdiyay u sameysay Soomaali meel walba oo ay dunida ka joogaan. Waxaa intaas dheer in nus qarni ka badan ay shaqo-abuur u tahay dhalinyaro jiilba jiil ay iska dhaxleen farsamadeeda.
Lama oga sidii lagu sahmiyay kheyraadkeeda, waxaase la isku raacsan yahay in burjikada la’aanteed magaca Ceelbuur uu yeelan lahaa micno aad uga duwan midka muuqaal iyo nolol ahaaneed ee maanta ka jira.
Waayo wax-soo-saarkeedu ilaa iyo hadda waa sancada qura ee Astaan Qaran u ah Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sannadihii 80-maadka, Magaaada Kismaayo waxaa lagu marti-geliyay suuqa caalamiga ee wax-soo-saarka kaas oo dal walba uu kusoo bandhigay waxyaalaha uu dunida kale u dhoofiyo. Markii lasoo gaaray Soomaaliya, shaashadda laga fiirsanayay bandhigyada, waxaa mar qura kasoo baxay xoogsato farsameynaya burjikada Ceelbuur iyo gaadiid waaweyn oo lagu daabulayo si loogu dhoofiyo dalalka deriska ah iyo dunida Carabta.
Maalintaas kaddib, Cumar Axmed Siyaad oo ku magac-dheeraa Cumar Garcadde, oo kamid ah dadka degan Kismaayo wuxuu qofkii aqoon waaya Ceelbuur ka qaadi jiray Burjikada uu heysto ilaa uu gaaray inuu dadka ku baraarujiyo hodantooyada kheyraad ahaaneed ee magaaladani gaar ku tahay.
Si kale marka loo dhigo, Burjikadu waa wax-soo-saarka qura oo la kowsaday Kacaanka magaaloobidda halkaas oo ay adkeyd in sidii miyiga qoryo ‘xaabo ah’ oo lasoo gurbiyay lagu shido saddex dhagax oo la iska soo horjeedsay. Taas beddelkeeda, waxaa sahlanaatay in Burjikadu lagu shito dhuxusha si loogu karsado.
Oraah ahaan, Burjikadu waa dhagax jilcan oo sida dhagxaanta kale aan aad u adkeyn, kaas oo inta si farshaxameysan loo qoro laga sameeyo girgiro ‘dhardhaarta’ oo kale lagu karsado cunnada, dabqaad lagu shito uunsiga, fooxa iyo wixii lamid ah;feero la isku kubeeyo; koobab loo qoro sida billadaha, farshaxanka xayawaannada iyo wixii la halmaala.
Howsha Burjiko sameyskaa waxaa ka horreeya halgan adag. Meesha laga soo qodo waxaa la yiraahdaa Kaawada. Marka dhulka laga soo qodo dhagaxa oo aan laheyn muuqaal ‘humaag’ la tilmaami karo, waxaa la mariyaa wax la yiraahdo qoriinka hore; oo inta la shakli loo yeelo ayaa lagu ridaa waaskada biyaha. Markaas waxay ku jirtaa marxaladda Dubaarka. In yar kaddib marka Dubaarku uu helo biyo ku filan oo lagu qori karo ayaa la mariyaa qorriinka labaad oo ugu danbeyntii lagu soo saaro. Adeegsiga biro gaar ah oo loogu tala-galay in lagu qoro burjikada ayaa sancadeeda ka dhigaysa Warshad xirfad iyo qalab gaar ah u baahan si looga mid noqo.
Kamid noqoshada laftigeedu ma ahan wax adag. Qofku wuxuu u dhow yahay inuu si sahal ah ku barto haddii uu saddex bilood ugu yaraan u kuur-galo habka loo sameeyo. Taas awgeed, dhalinyaro badan oo magaalada ku nool ayaa ka dhigtay shaqada qura oo ay xirfad ahaan ugu nool yihiin. 60% dadka ka shaqeeya waa dhalinyaro u dhaxaysa 18-65 jir. Haweenku aalaaba kuma jiraan wax-soo-saarkeeda. Waxaase ay qeyb weyn ka yihiin tirada ganacsatada dhoofisa kuwaas oo gobollada dalka u kala daabula.
Marka laga fiiriyo wax-soo-saarka guud ee magaalada ka jira, Burjikadu ma ahan tan kaliya. Waxaa kale oo laga dhoofiyaa xoolaha nool, maqaarka, cusbada, digirta iyo wixii soo raaca. Hayeeshe, Burjikadu waa tan ugu mudan.
Shaqada Burjikada marnaba muusan ku dhicin wax hakad ah xittaa waqtiyadii adkaa ee magaaladu soo martay. Adduun lacageed oo aan weli la xisaabin ayaa kasoo xerooday iibka Burjikada taniyo markii la bilaabay qoristeeda.
Inta dadka Ceelbuur ay helayaan kheyraadka Burjikada, waxay si lagu faani karo u buuxinayaan doorka uu dalkeennu ku leeyahay wax-soo-saarka caalamka.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com


You must log in to post a comment.