MUQDISHO (HN) –– Waxaa jiray warar ku-tiri-ku-teen ah oo sheegaya in sannadkan Xajka loo baajin doono xanuunka Covid-19 awgiis.
Bishii April, sarkaal Sucuudi ah ayaa weydiin galiyay haddii Muslimiinta sannadkan qorsheystay gudashada Xajka ay dib u dhigan karaan. Laakiin, ilaa hadda qoraal rasmi ah oo arrintaas ku aadan kama soo bixin dowladda Sucuudiga.
Balse sida laga soo xigtay Jakarta Post, dowladda Induniisiya ayaa sannadkan muwaadiniinteeda ka joojisay inay soo gutaan acmaasha Xajka.
In ka badan 27,000 ayaa u dhintay Covid-19 gudaha Induniisiya, waxaana uu soo ritay in kale oo aan yareyn.
“Sidaas darteed, dowladdu waxay isku dayaysaa inay la tacaasho xanuunka Corona gudaha iyo dibaddaba,” ayaa lagu yiri war qoraal ah.
Tiro ka badan 220,000 oo xujey Induniisiya ah ayaa sannadkan la filayay inay soo gutaan acmaasha Xajka. 90% xujeydaas ayaa goor hore iska diiwaan-geliyay wasaaradda diinta.
Waxaana kamid ah Dewi oo sannadkan diyaaragarowgii ugu danbeeyey ugu jirtay inay soo xajiso. Waxay sugitaanka ku jirtay muddo lix sanno. Waaxyse sheegtay inaysan walwal ka qabin inaysan sannadkan aadi doonin Xajka.
“Waqtiga Alle ii qoro ayaan baxayaa,” ayay tiri. “Haddii go’aankaas loo gaaray nolosha iyo badbaadada inta kale, dhib uma arko.”
Sannadkii hore, 2.5 milyan oo xujey ah ayaa soo gudatay Acmaasha Xajka iyo Cumrada.
You must log in to post a comment.