MUQDISHO (HN) –– Xilli dunidu dadaalkii ugu weynaa ay kula jirto xakameynta faafista xanuunka Covid-19, gafuurxirku waa waxyaalaha ugu muhiimsan oo looga hortagi karo.
Balse isbitaallo badan maheli karaan, in kale oo dadka caadiga ah kamid ahna way ku adag tahay inay iibsadaan.
Laakiin hadda, Hey’adda Unicef ayaa wadda ol’ole ay horboodayso Halima Adan oo ah gabar dharka xayaysiisa. Ujeedada ayaa ah in lagu baraarujiyo haweenka Muslimiinta inay gafuurxirka ku daraan xijaabka iyo in loo sahlo helitaankiisa.
Waxay sheegtay in qaadashada gafuur-xirku ay muhiimad weyn u leedahay gabdhaha Muslimiinta ah ee ka howlgala xarumaha caafimaadka.



You must log in to post a comment.