crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xujeyda oo loogu yeeray ‘inay iska yareeyaan’ Sawirrada selfie-ga. | HimiloNetwork

Xujeyda oo loogu yeeray ‘inay iska yareeyaan’ Sawirrada selfie-ga.

MUQDISHO (HN) — Kumaankun Muslimiin ah ayaa u baxaya dalka Sucuudiga si ay sannadkan usoo gutaan waajibka Xajka oo kamid ah shanta tiir ee Islaamka. Wasaaradda Xajka ee Induniisiya ayaa, si kastaba, xujeydeeda ugu yeertay inay ka reebtoonaadaan inay sawirro selfie-ah ku galaan Dhagaxa Madow ee Kacbada.

Afhayeenka wasaaradda, Akhmad Fauzin ayaa yiri: “Iska qaadista sawirro ‘lalmis’ ah waxay luminaysaa hadafka iyo yoolka loo yimid oo ah in xagga Eebbe la isku wada jeediyo marka la gudanayo acmaasha Xajka.”

Sannadihii tagay waxaa aad u xoogeystay sawirrada selfie-ga ah oo la iskaga dhex qaadanayo kacbada iyo xujeyda dhexdeeda – xilli ay dawaafayaan.

Culimada diinta ayaa ugu yeeraya xujeyda inay xajkooda ka ilaaliyaan istustuska oo ay iska yareeyaan sawirrada badan. Laakiin maadaama xajku yahay dhacdo nololeed qof nasiib leh Eebbe u garto inuu booqdo gurigiisa, dad badan ayaa jecleysta inay xusuus ahaan iskaga qaadaan sawirro ay la wadaagi karaan ubadkooda, ehelkooda iyo saaxiibadooda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!