MUQDISHO (HN) — Dadka ku nool magaalada Djenne ayaa sannad kasta iskugu yimaada si ay dhoobo cuusb ugu malaasaan Masjidka qadiimiga ah ee qarniyaal soo jireenka ah oo ku yaalla dalka Mali.
Kumaankun dad ah ayaa iskugu soo baxa howshan samafalka oo lagu qurxinayo masjidka. Waana midka ugu weyn adduunka ee ka sameysan dhoobo.
Dadweynaha ayaa isku dara biyo, dhoobo, ciid jilicsan iyo wixii mahuraan ah howsha dhismaha masjidka. Waxaana gidaarradaas laga sameeyey dhoobada ay awoodi karaan inay iska caabiyaan kuleylka badan, tararka ama dilaaca iyo inay biyo ka dhex gudbaan.
Magaalooyinka Djenne iyo Timbuktu waxay kaalin lama huraan ah ka qaateen faafitaanka Islaamka ee qaaradda Afrika. Waxaana qarnigii 13aad gudihiisa ay ahayd magaalo ganacsi oo baaxadda dhaqaalaha iyo ganacsiyada qaaradda hodanka ah saldhig u ah.
You must log in to post a comment.