crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Legdanyahanka Muslimka ah oo ‘cumraysanaya’. | HimiloNetwork

Legdanyahanka Muslimka ah oo ‘cumraysanaya’.

MUQDISHO (HN) — Legdanyahanka miisaanka culus ee Sami Zayn oo u dhashay dalka Kanada ayaa gaaray magaalada Makka si uu ugu cumreysto, wuxuuna ficilkaas ku rumeeyey riyo uu kini ku taami jiray inay u dhabowdo.

Bartiisa Twitter-ka ayuu soo dhigay muuqaal uu xarman yahay oo uu kaga hadlayo waaya’aragnimadiisa iyo wixii uu ku arkay magaalooyinka barakeysan.

“Waxaan halkan kala imid xusuuso iyo xiiso badan oo maguuraan ii noqon doona iyo waaya’aragnimo qurux badan,” ayuu yiri.

Sami ayaa asal ahaan kasoo jeeda Suuriya, wuxuuna legdanka ku jiraa muddo 8 sannadood ah. Dalka Sucuudiga ayaa hadda sidii hore kusoo celiyay xiriirkii kala dhaxeeyey dalka Suuriya, waxaana hadda labada dal ay muwaadin iskaga kala gubdi karaan si xor ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!