crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Muslimka lacag la’aan ku dayactira Kutubada Qur’anka ee ‘duugga’ noqda! | HimiloNetwork

La kulan – Muslimka lacag la’aan ku dayactira Kutubada Qur’anka ee ‘duugga’ noqda!

MUQDISHO (HN) — 68 jir u dhashay dalka Falastiin ayaa bilaabay inuu dayactiro kutubada Qur’anka ee duugga noqday – weliba si lacag la’aan ah. Wuxuu sheegay inuu ficilkan ku doonayo raali ahaanshaha Eebbe iyo Jannadiisa.

Qol yar ku dhex yaal Masjidka Gazza ayuu Hisham Barzeq ku bilaabay shaqadiisa oo si lama filaan ah uu u arkay iyada oo qeybta ugu muhiimsan noloshiisa maalinlaha ah. Sidaas darteed, maalin walba saddex saacadood oo kamid ah, wuxuu waqtigiisa ku bixiyaa dib u dayactirka kutubada Qur’anka.

Wuxuu adeegsadaa koollo iyo karbado si uu iskugu kabo kutubada.

Qur’anka waa isha ugu weyn ee cilmiga dunida maanta iyo markii Eebbe arlada iyo waxa ku dul nool uu abuuray laga barto. Waxaana jiray in ka badan 200 oo milyan oo Muslimiin ah kuwaas oo dusha ka xifdisan Qur’anka oo dhan.

Casriga maanta iyada oo la adeegsanayo tiknoolojiyadda ama farsamaatiga, waxaa si sahlan kutubka Qur’anka uga heli kartaa mareegaha kala duwan, telefoonnada iyo kumbuyuutarada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!