MUQDISHO (HN) — Zilla Fatu, oo ah wiil uu dhalay legdanyahankii Umaga ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka, wuxuuna socdaalkii uu usoo galay ku biirista qoyska iyo bulshada ugu ballaaran adduunka ee Muslimiinta ku tilmaamay mid qurxoon iyo qaayo leh.
Fatu ayaa islaamnimadiisa ku caddeeyey muuqaal uu soo dhigay barta Youtube-ka. Wuxuuna mahadda iyo galadda doorashadiisa diinteenna qiimiga badan u celiyay saaxiibadiisa Muslimiinta ahaa oo uu ku bartay muggii uu xabsiga kula jiray.
27 jirkan ayaa sheegay in – in kasta oo uu ku qancay dinteenna suubban – uu haddana ka gaabiyay inuu ku dhex qaadato xabsiga. Balse hadda uu ugu dambeyntii doonay inuu isku soo dhiibo Rabbiga weyn xaggiisa.
Wuxuu sheegay in qaadashadiisa Islaamka kaddib uu naftiisa ka helay farxad joogto ah, xasilooni iyo furfurnaan.
Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka, waxaana sannad kasta kusoo biira kumaankun dad ah oo doonaya inay kamid noqdaan qoyska ugu ballaaran dunida ee Muslimiinta.
You must log in to post a comment.