MUQDISHO (HN) — Iyada oo xiran dharka tababbarka ee kimono, Saki Takao waxay sannad-guurada 26aad ee dhalashadeeda ku dabaaldegtay fal farxad iyo nasiib leh oo ah inay qaadato diinta Islaamka.
15 xubnood oo qoyskeeda iyo asxaabteeda isugu jira ayaa la joogay goobta ay ku qaadanaysay shahaadada, waxayna kor ugu dhawaaqaysay kelmadda Tawxiidka — oo ah inuusan Ilaah Eebbe weyne mooyee, Suubanaha NNKH uu yahay rasuulkiisa.
In kasta oo ku dhawaaqidda kelmadda shahaadada ay u fududeyd dhihideeda, haddana safarka dheer oo ay kasoo bilowday macalinimada dugsiga sare – oo ah halkii ay ku maqashay magaca Islaam iyo Muslimiinta – ma ahayn mid sahlan. Wuxuu ahaa socdaal dheer balse dhammaad lagu farxo yeeshay.
Wuxuu ku kortay kuna dhalatay Japan, waxayna la kulantay Muslimkii ugu horreeyey markii ay ku jirtay wax-barashada jaamacadda oo ah da’yar kasoo jeeda Turkmenistan.
Xiriir caadi ah oo labadooda muddo ka dhaxeeyey ayay ugu suuragashay inay ku barato Islaamka iyo Muslimiinta. Taniyo kolkaasna, waxaa kusii kordhayay xiisaha iyo jaceylka ay u qabto diinteenna suubban.
Japan Muslimiinta ku nool waxaa lagu sheegaa 110,000, marka loo eego tirakoobkii la sameeyey 2010-ka. Dhamaadka sannadkii 2019-ka, waxaa lagu sheegay inay gaareen 230,000 – halkaas oo 50,000 oo kamid ah ay kasoo jeedaan Japan.


You must log in to post a comment.