crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Fadeexad ku dhacday shirkad dhismo ‘oo roog madow’ laami uga dhigtay dadweyne reer miyi ah! | HimiloNetwork

Fadeexad ku dhacday shirkad dhismo ‘oo roog madow’ laami uga dhigtay dadweyne reer miyi ah!

MUQDISHO (HN) — Dadka ku nool gobalka Maharashtra ee dalka Hindiya ayay la-yaab ku noqotay inay ogaadeen in jidkii loo dhisay uusan ahayn mid sida jidadka kale laami u ah – balse uu yahay roog madow oo la dulmariyay ama lagu shubay laami.

Marka loo eego Lokmat Times, dadka xaafadda Karjat-Hast Pokhari, waxay muddo badan ka cabanayeen in jidadkii ka dumay loo dayactiro – toddobaadkii tagay si kastaba, waxay moodayeen in baaqoodii laga jawaabay kaddib markii ay arkeen wax laami u eg muuqa kore mugga laga dheehdo.

Laakiin in yar kaddib markii ay u kuurgaleen ayay soo saareen arrin fadeexo ku noqotay shirkaddii la sheegay inay dhistay laamiga, shaqaalaha dhismaha ayaa roog madow oo lagu dul shubay laami u saaray meelihii uu ka jajabsanaa laamiga. Nasiibdarro rooggu uma adkeyn inuu dhulka si fiican ugu dhaqo, ee wuxuu durba lasoo fuqay ciidda waxaana lala amakaagay ceeb aan horay loo arag.

Sheekada fadeexadda ee shirkaddan ayaa ku baahday guud ahaan Hindiya, waxaana muuqaal laga soo duubay dadka xaafadda la arkayaa iyaga oo aad u ceebeynaya shaqaalaha iyo shirkaddii soo dirsatay.

Dhismaha laamiyada Hindiya waa qeyb kamid ah mashruuca horumarinta waddooyinka miyiga oo uu jideeyey ra’iisulwasaaraha Hindiya waxaana shirkaddan la siiyay mashruucan ay sheegatay inay tahay midda ugu tayada fiican oo heysata qalabkii ugu dambeeyey dhismaha laamiyada oo ay kala timid dalka Jarmalka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!