MUQDISHO (HN) — Abaal uu Eebbe weyne ka rabo awgeed, nin Sucuudiga u dhashay ayaa soddonkii sannadood ee lasoo dhaafay wuxuu xujeyda ku qaadaa gaarigiisa gaarka ah – isaga oo ka galbinaya magaalo xuduudeedka uu ku nool yahay ilaa uu ka keeno magaaladda Makka.
Ayed Al Jarhadi wuxuu gu’yaalihii lasoo dhaafay xujeyda kasoo daabulaa magaalada Arar ilaa Makka si ay u gutaan acmaasha Xajka iyo cumrada.
“Waxaan haweenka iyo nugulka kale ee xujeyda ah sida duqowda kasoo qaadaa xuduudda si aan ajar uga helo,” ayuu u sheegay Al Arabiya TV.
Laakiin Al Jarhadi ma ahan Muslimka kaliya ee Sucuudiga u dhashay oo samafalkaas la gaarka ah oo loo fidiyo martida Raxmaanka ama xujeyda.
Fahd Al Hamli, oo boqollaal xujeyda ah ku marti qaada beertiisa ayaa kamid ah, wuxuu aseendadiisa oo ku taalla Majmaah ku diyaariyaa cunnooyin fudud iyo cabitaan si ay xujeydu u cunaan.
Ciiddul Axda ayaa la filayaa inay dhalato 28-ka bishan June oo ah maalinta Talaadada.
You must log in to post a comment.