crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 81 jirka Dharka xayaysiisa | HimiloNetwork

81 jirka Dharka xayaysiisa

MUQDISHO (HN) — Wang Deshun waa 88 jir jilaa iyo xayaysiiye dhar oo caannimadu kusoo degtay sannadkii 2015 xilli uu ka qeybgalayay bandhig xayaysiis oo feeraha la qaawinayo!

Wuxuu weli heystaa hadalheynta iyo indhaha dadweynaha Shiinaha. Wuxuu helaa qandaraasyada xayaysiiska nuuc kasta oo la rabo in ii dheh loo sameeyo. Dadkuna aad bay u jecel yihiin bandhig xayaysiineedkiisa dharka.

Wuxuu dhashay sannadkii 1936 waana qofka ku xiga curadka reerkiisa. Qoyskiisa ayaa ku dhiirrigeliyay inuusan marnaba ka niyadjebin riyadiisa ah inuu meel fiican ka gaaro himiladiisa jilaanimada. Laakiin waqtigaa ku wiirsaday oo muddo dheer ka qaatay noqoshadiisa jilaa. Laakiin markii uu helay fursadda ah inuu fashion-ka ku biiro oo uu dharka xayaysiiso wuxuu ka dhex helay waddo fudud oo uu riyadiisa kaga rumeyn karo!

Inta aad nooshahay waa qasab inaad riyootid. Waana muhiim inaad aamintid maalin un inay kuu rumoobi doonto.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!