MUQDISHO (HN) — Xiddiga xulka Senegal iyo kooxda Liverpool, Sadio Mane ayaa booqday dhismaha dugsi uu maal-geliyay oo laga dhisayo degmada uu kasoo jeedo.
Mane oo kasoo laabtay finalka koobka African Cup halkaas oo xulkiisa uu ku hoggaamiyay kama-danbeysta ayaa u yimid si uu u qiimeeyo heerka uu marayo mashruuca uu maal-geliyay.
Wuxuu sidoo kale kol hore u sameeyey xarun caafimaad iyo masjid ay ku cibaadeystan dadka degaanka.
Dadka ayaa farriimo togan ka bixinayay booqashadiisa.
“Lacagta waad la dhimanaysaa; dhaxalka qura oo kaa hari kara waa samafalka aan insaaniyadda u qabato,” ayuu soo qoray mid kamid ah faalleeyaasha.
Bambani waa meesha isaga oo 13 jir ah uu ku daawaday kulankii Liverpool iyo AC Milan dhex maray sannadkii 2005.
Mane ayaa ah Muslim, dhaqan ahaan, aan afka ka sheegan diinta Islaamka, balse la arko isaga oo ku jira acmaal qeyri ah.
You must log in to post a comment.