MUQDISHO (HN) — 130 jir dalka Induniisiya u dhashay ayaa yimid magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga si uu sannadkan kaga mid noqdo xujeyda gudanaysa acmaasha Xajka.
Ohi Aidros Samr waxaa safarkiisa ku wehlinaya 6 xubnood oo qoyskiisa kamid ah. Gudaha garoonka diyaaradaha waxaa ku qaabilay xubno sare oo kamid ah saraakiisha Xarameynka kuwaas oo hadyado iyo ubaxyo guddoonsiiyay.
Laba maalin kahor waxaan daabacnay haweeney 102 jir ah oo sannadkan kamid noqotay xujeyda.
Mid kale oo 101 jir ah ayaa iyana kamid aheyd dadkii sannadkan kamid noqday xujeyda.
Qofkii ugu da’ weynaa ee xajka soo aada waxay aheyd Ibu Mariah Marghani Muhammad oo Induniisiya u dhalatay taas oo sannadkii 2007 xejisay.

You must log in to post a comment.