MUMBAI (HN) — 63-jir u dhashay Hindiya ayaa muddo 40 sano ah jarin timihiisa; kuna taaban wax biyo ah. Markaad aragto wuxuu kuula muuqanayaa sida xamaali madaxa ku sida jawaan.
Maanta cabbirka timihiisu waa lix feet waxaana uu ku dadaalaa inuu ku ilaaliyo badqab. Mana u baxo bannaanka ilaa iyo inuu ku xirxiro maryo uu kaga gaashaamo qashinka kusoo bidaya.