crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baahida Rakaab walba. | HimiloNetwork

Baahida Rakaab walba.

MUQDISHO (HN) — Marwalba oo laga hadlo safarka iyo socdaalka, waxa ugu weyn ee lagu fikiraa waa qaadashada sahay kugu filan iyo jidmar sugan oo aad ku gaari karto meesha aad u socto.

Inteenna badan marka ay galayaan safar waxay sida waagii hore u diyaarsadaan sabaayad iyo hlilib solan ay jiscin ahaan kolayga ugala soo baxaan mar kasta oo gaarigu meel ku istaago ama hakad yar uu galo. Walina dhaqankani wuxuu yahay mid jiraya.

Balse magaca qura oo safar walba oo dalka gudihiisa loo galo maadaama uusan wax is-beddel weyn lagu sheegi karo uusan ku imaanin, dabcanna sidii loo qaadan jiray sahayda iyo jidmarku weli waa sideedii.

In kasta oo hadda sugnaanta badqab ahaaneed ee degaanka aysan sidii hore u wejiyo badneyn – sida isbaarooyinkii joogtada ahaa oo qabiil walba uu dhigan jiray, dhaca iyo kufsiga oo iska ahaa arrin laga welwelo, shufto dhiig-miirato ah oo dil iyo dibindaabyo iskugu dara socotada, haddana xaalku ma ahan sidii la rabay. Wuxuuse aad uga fiican yahay 100% sidii shalay.

Awoodda dalka oo hadda laba gacan oo kaliya ay ku loollamaan ayaa wax weyn ka beddeleysa safarka. Waxaa taas barbar-socda hubkii faraha badnaa ee ku jiray gacmaha shacabka ayaa hadda ku dhammaanayaa qaab fara-ku-tiris ah. Maadaama horumar fiican uu dalku ka sameynayo dhinaca duullimaadyada cirka oo gobollada dalka ay ku safraan diyaarado, waa hambalyo kale oo kusoo biiraysa geeddi-socodkeenna nolosha.

Balse halka uu dhanbaalkaas gaar u taabanayo in ka yar 10% bulshada kuwaa oo ku safri kara duullimaadyada cirka, 90% dadkeennu waxay ku safraan dhulka. Xittaa kuwa ku teedsan xeebaha dalka, waxay si lamid ah kuwa ka fog safar dhulka kusoo gaaraan degmooyinkooda. Nasiib-darro dhammaantood waxaa hursan inay u safraan sida aabayaashoodii shalay; kuna safraan isla jidkii ay soo qaadi jireen.

Dalkeennu wuxuu kamid yahay dalalka weli aan horumar muuqda ka gaarin dhismaha waddooyinka. Waxaa la isku raacsan yahay in 90% bulsho-weyntu aysan gelin jawi raaxo leh marka ay safrayaan. Mas’alada hortaalla marwalba oo ay ka fikiraan safar-dhulka ahi waa haddii ay ku samatagi doonaan badqab iyo in kale; haddii gaarigu uusan meel dhexe kula hallaabin ama duur cidlo ah uusan kula qalibmin.

Gaadiid walba oo isku dhaafa cirifka waqooyi bari iyo koofurta, waxay runtii bixiyaan halgan iyo lacag adag si ay u gaaraan hiraalkooda. Darawalladu waa kuwa uga welwelka badan. Hadiyo jeer waxay jeedaaliyaan halka ugu dhawaan-shiiyo iyo dhabbe fiicnaan badan meesha loo socdo. Iyaga oo maanka ku haya inay damaanad qaaadaan nolosha iyo hantida ay mas’uulka ka yihiin, runtii gef ma ahan in la yiraahdo waxay darawalladeennu si lagu faani karo – inta karaankooda ah – iskugu xilqaamaan inay si dhaqsiinyo  iyo badbaado leh ku gaarsiiyaan baritaarkooda.

Hayeeshe, dadaalkaas ay bixiyaan wuxuu nasiib darro gu’yaal badan ku noqday madi. Waxaa meesha ka maqan middii dowladnimo. Si walba oo sahay iyo jidmar uu musaafirku u qaato iyo dadaal kasta oo darawalladu ku bixiyaan inay goob sugan oo nabdoon ka maraan waddooyinka raaftada ah, baahida rakaab walba waxaa ka dhiman wax weyn.

Xalka qura wuxuu ku jiraa in qofka Soomaaliga ee ku safraya dhulkiisa loo sahlo socdaalka. Waana dhismaha laamiyo ugu yaraan gobal walba afar magaalo ka mari kara si isku socodku uusan u noqon mid diif iyo rafaad laga dhaxlo.

In dalku uu helo waddooyin laamiyo ah wuxuu muwaadinka u fududeyn karaa inuu danihiisa shaqsiga ah iyo midda caamka ah marqura ugu fushado dhib yaraan. Waxaana laga helayaa shaqo-abuur badan oo loo sameeyo dhalinyarada dalka. Wax soo saarka gudaha ee dalkeennana waxaa ku imaanaya sare-u-kac iyo kobac.

Haddiise aan jawaab degdeg ah laga bixin baahida rakaab walba – dhismaha laamiyo – waxaan naga bixi doonaa lacag adag iyo ruux qaaliga oo mudneyd inay ku raaxeysato dalkeeda.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.  

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!