crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninkii ku dul-fadhiyay Tuunjiga Musqusha 5 Maalmood oo xiriir ah! | HimiloNetwork

Ninkii ku dul-fadhiyay Tuunjiga Musqusha 5 Maalmood oo xiriir ah!

MUQDISHO (HN) — Doonista aadanuhu malahan xuduud. Marka ay tahay in la noqdo qof caan ahna, waxay ku bixiyaan kartidooda sida inay noqdaan kan ugu orodka dheer; ugu xoog badan iyo xittaa noqoshada qofka ugu muddada dheer ee kor-tagga ‘suuliga’ ku jira shan maalmood oo xiriir ah.


Taas waxaad ka fahmi kartaa sheekada Jimmy De Frenne ayaana doonay inuu qofkaas noqdo. Musqul ku dhex taal baar laga cunneeyo ayuu ninkani ku dhex qaatay waqtigiisa oo dhan muddo shan maalmood oo taxane ah – si uu u jebiyo rikoor caalami ah.

Wuxuu ku dul-cunayay; kula sheekeysanayay saaxiibadiisa; kuna isticmaalayay moobilkiisa isaga oo ku fadhiya tuunjiga musqusha. Waxaa loo idmay shan daqiiqo halkii saacba inuu jimicsado.

Waaya’aragnimadiisu uma fududeyn sida muuqata. Jimmy wuxuu sheegay inuu xanuun iyo jiirgo’ ka qaaday fadhigii badnaa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!