crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2017 | HimiloNetwork

Monthly Archives: September 2017

Faa’iidooyinka laga helo cunista Sabiibka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Sabiibka oo afka qalaad lagu yiraahdo raisins, wuxuu ku jiraa qudaarta faakihaysiga loo cuno. Balse in badan kamid ah faa’iidada caafimaad ee ku jirta lama socdaan. Waxaana jira faa’iidooyin aan lasoo koobi karin oo kugu sii qasbaya inaad sii isticmaasho ama hadda kadib aad bilowdo cunistiisa. Wuxuu daweeyaa calool-fuurka. Wuxuu sare u qaadaa miisaanka qofka – culeyska. ...

Read More »

Faa’iidooyinka laga helo cunista Malabka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii Alle uu Qur’ankiisa noogu sheegay inuu Shinnida ugu wax-yooday inay hoy ka dhigo buuraha iyo geedaha iyo wixii soo raaca – kadibna ay cunto miraha oo dhan, wuxuu Eebe nooga soo saaray sharaab kala duwan midab ahaan caafimaadna u leh bani’aadanka. Maanta waxaa timid in si qoto dheer loogu fogaaday culuumta la xiriirta Shinnida iyo wax ...

Read More »

Induniisiya – Qashin ku beddelo Ceymis Caafimaad oo bilaash ah.

Jakarta (Himilonetwork) -Si dadka loogu muujiyo in daryeelka aas’aasiga ah ee caafimaadka uusan qaali noqon karin iyo in qashinku uu leeyahay qiimo sarreeya, hal-abuur da’yar Induniisiyan ah ayaa la yimid fikrad mira-dhal ah oo dadka saboolka ah u sahlaysa inay baahida caafimaad oo ay qabaan iskaga bixin karaan qashinka. Ceymiska lagu magacaabo Garbage Clinical Insurance oo uu yagleelay da’yar Induniisiyan ...

Read More »

Doorka aqoon-yahanka iyo ganacsatada iyo kahor-tagga tahriibka.  

Muqdisho (Himilonetwork) – Markii ugu horreysay oo aan meel ka baxsan dalka kula kulmo da’yar tahriib u geyfan waxay ahayd sanadkii hore kolkii wiil yar oo kasoo jeeda qoys nolol ahaan iska ladan aan kula kulmay magaalada Nairobi. Wuxuu safar qarsoodi ah – isaga oo caafimaad qaba – uga soo anba-baxay magaalada Muqdisho. Nasiib-darro wuxuu yimid Kenya isaga oo la ...

Read More »

Qalliin-yaqaan Muslim ah oo loo aqoonsaday hal-curiyaha sanadka.

Toronto (Himilonetwork) – Qalinyahan Muslim ah oo ku nool Mississauga ayaa ku guuleystay abaal-marinta hal-curiyaha sanadka 2017 – oo ah mid ay bixiso Iskaashatada EPSO laguna aqoonsado howlkarnimada iyo qalliimada daweynta cudurrada aadka ugu daran indhaha. Dr. Iqbal K. Ahmed  waxaa abaal-gudka loogu deeqay maalintii Khamiista. Waxaa loo aqoonsaday mid kamid ah dhaqaatiirta ugu fiican ee ku gaaroobay daweynta iyo qalliimada indhaha guud ...

Read More »

Masha Allah – Nin si cajiib leh ugu muslimay gacanta nacab Islaamka.

London (Himilonetwork) – Nin maqlay yeermada hoggaankii hore ee Leegada Difaaca England, Tommy Robinson  oo fogaan-araga qaranka kaga soo muuqday isaga oo nuqul kamid ah Qur’anka haya – una sheegaya dadka inay aqriyaaan, ayaa waanadiisa u qaatay si dhab ah: wuuna islaamay. “Wuxuu yiri aqriya Qur’anka – isaga oo moodaya inay dadku nici doonaan Islaamka. Hayeeshe waxaan arkay runta. Waana islaamay,” ...

Read More »

Maxkamad furriinka lammaanaha ku xiraysa inay galaan imtixaan.

Muqdisho (Himilonetwork) – Furriintu ma ahan wax fudud, hayeeshe wuxuu kasii adag yahay Maxkamadda Yibin People’s Court oo ku taalla gobalka Sichuan, halkaas oo hal garsoore  uu dhawaan dhaqan-geliyay imtixaan furriin oo labada lammaane ay qasab tahay inay ku dhacaan si codsiga furriinkooda uu ku ansaxo. Imtixaan furriinku waa fikrad uu lahaa Wang Shiyu – oo ah garsoore kamid ah maxkamadda Yibin, ...

Read More »

Daawo Niman Naafo ah oo beeray Keyn qurux badan.

Muqdisho (Himilonetwork) – Laba jiil oo kala danbeeyey waxay ku qaadatay 60 sano in ku dhow inay keyn gacan ku sameys ah ka dhigaan goob lama degaan ahayd oo ku taalla waqooyiga Shiinaha. Hadda dadaalkoodu kaliya ma noqon mid laga mahad-naqay ee dhaxalkooduna wuxuu ku haray in jiilba jiil uu usii gudbiyo. Ku dhawaad 500,000 oo geedo ah ayaa ku ...

Read More »

Daawo – Nin lama-degaan u beddelay keyn duur-joogtu ku nooshahay.

Delhi (Himilonetwork) – Hindiya waa dalka ugu da’yarta badan caalamka, waxaana jira dhalinyaro u istaagta badbaadinta deegaankooda. Mid kamid ah dhalinyaradaas wa Jadev Payeng oo ku dhawaad 40 sano ay ku qaadatay in meel lama degaan noqotay uu dib ugu celiyo keyn ay ku kulmaan noolaha kala duwan siiba duurjoogta. Haddaba halkan ka daawo muuqaal aan kasoo qaadanay.

Read More »

Muslimiinta Rohingya – Gaajada iyo Hoy la’aanta waxaa usii dheer Kufsi ba’an.

Muqdisho (Himilonetwork) – Daraasin haween Muslimiin Rohingya ah waxaa kufsaday ciidamada militariga Burma xilli tira-yartani wajahaan wax ay QM ku tilmaantay Buugga Isir-sifeynta oo kaga imaanaya dalka Buudiska u badan ee Myanmar. Niranta Kumar, oo katirsan IOM ayaa sheegtay inay kiisaska kufsiga ay hadba isasoo tarayaan, dhibaataduna aysan u muuqan mid dhammaad yeelanaysa. Waxaana jira haween dhowr jeer la kufsaday ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!