crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waa Gabar 3 Sano Jir ah oo Ka Go’day Cuntadda iyo Cabitaanka | HimiloNetwork

Waa Gabar 3 Sano Jir ah oo Ka Go’day Cuntadda iyo Cabitaanka

Muqdisho, Soomaaliya (HIMILONEWS) – Xaawo C/wahaab waa gabar yar oo saddex sano jir ah marka ay dhalatay ka gadaal ayuu asiibay xanuunka xiiqdheerta oo ka mid ah lixda cudur ee laga talaalo carruurta nasiib daro ma aysan heli daawo ku haboon ka sokow daawo soomaaliga oo ah dadka qaar aamisan yihiin,
Waxaa ku xumaaday xanuunka  xiiq dheerta Hadda  waxna ma cuni karto waxna ma cabi karto oo waxaa caano si tisleyn ah loogu siiyaa Soonto oo sanka uga xiran muuqaal ahaan waxaa isku dhagay maqaarka iyo lafta oo ma jiro hilib la arki karo oo u dhaxeeyo sababta oo ah qof ku nool kaliye caano tiqin  ah ma lahaan karo jir naaxsan,
Waxaa la geeyay isbitaalka SOS balse waxa ay sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin balse waxa ay cadeeyeen in tubooyinkii cuntadda iyo kuwa hawadda ay isku furan yihiin dalkana wax looga qanban Karin.
Xaawo waxa ay ku dhalatay baadiyaha degmadda Qoryooley ee gobolka shabeelaha hoose waxa ay ka mid yahay qoys ka kooban shan ruux ,carruurta la dhalatay mid ayaa ka weyn midna wuu ka yar yahay,waxa ayna ka dhalatay qoys dan yar ah ,Hooyadda Dhashay oo lagu magacaabo Xamza ayaan kula kulmay Xaafadda Gubta ee dagmadda Deyniile waxa aan la yeeshay wareysigan iyadda oo codsaneysa in la gar gaaro.
Cidii u baahan in ay caawiso ha kala xiriirto 0615339996.
123456
Isha: Somalinwo.com.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!