crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2017 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: September 2017

Induniisiya – Haween 100 karbaash lagu dhiftay markii ay Shareecada ku xad-gudubtay.

Jakarta (Himilonetwork) – Haweeney ayaa dadweynaha hortooda lagu karbaashay 100 jeer markii ay aad ugu dhawaatay nin aan qabin oo anjabi ka ah. Haweeneydan lagu magacaabo Mazidah oo ku nool Lhokseumawe waa 30-jir. Waxaana lagu eedeeyey inay ku xad-gudubtay Shareecada Islaamka oo diidaysa in qof anjabi ah aad loogu dhawaado – sifo aan bannaanayn. Maalintii Jimcaha ayaa meel fagaare loogu oogay xadka ...

Read More »

Lammaane 7 gabdhood isku dhalay oo wiil ay iibsan rabeen loo xiray.

Beijing (Himilonetwork) – Lammaane aad ugu han-weynaa helidda wiil ay korsadaan ayaa go’aansaday inay ka iibsadaan kuray suuqa madow kadib markii ay dhaleen gabdho badan. Lammaanahan u dhashay dalka Shiinaha ayaa adduun dhan 2,000 yuan oo u dhiganta $14,000 ku doonayay inay ku iibsadaan wiil. Si kastaba, marna kuma guuleysan inay guriga la yimaadaan. Booliska ayaa xiray kadib markii lagu war-geliyay. Laanta ...

Read More »

Hooyo naafo u noqotay badbaadinta Bisad yar oo halis ku jirta.

Muqdisho (Himilonetwork) – Hooyo saddex dhal ah ayaa laga yaabaa inaysan dib u socon kadib markii ay kasoo dhacday geed xilli ay badbaadinaysay bisad yar. Hooyadan u dhalatay Australia ayaa noqotay naafo kadib markii ay fuushay geed ay saarnayd bisad yar oo soo dhici rabta. Waxay kusoo dhacday laamaha adag ee geedka mid kamid ah mana awoodin inay istaagto. 30-jirta ...

Read More »

Mashruuc ila cun aniga oo dadka aan Muslimiinta ahayn lagu fahamsiinayo diinta Islaamka.

Seattle (Himilonetwork) – Laba haween oo degan magaalada Seattle  ayaa bilaabay mashruuc ila cun aniga kaas oo ay ku doonayaan inay ku beddelaan aragtida dadka aan Muslimiinta ahayn ka heystaan diinta Islaamka iyo umadda raacsan. “Waxaan garowsannay inaan dadka isku barno la kulankeenna,” Fathiya Absie oo mashruucan la bilowday sanad kahor Ilays Aden ayaa u sheegtay warbaahinta. “Dhismaha kaabado. Dhismaha saaxiibo.” Falkan ...

Read More »

Maqaal – Nidaamka Calmaaniyadda Qabiilka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Mar alaaliyo markii waddanka uu gudo-galay marxaladdii burburka, waxaa jab ku yimid oo dowladii la burburay nidaamka lagu xukumo oo dowlad walbo ay qasab ahayd inay ku ilaaliso waddanka. Waxaana uu ahaa kii hore hanti-wadaag oo la isku waafaqsan yahay dhibaatadiisa inay ka badnayd faa’iidadiisa. Burburkii kadib, koox walba oo rabtay inay ka qeyb-qaadato maamulka waddanka waxa ...

Read More »

Kaalinta Bukaan-la-roorayaashu ay kaga jiraan gargaarka deg-degga ah.

Muqdisho (Himilonetwork) – Dad badan waxay aalaaba anbalaasta ku qeexaan gaadiid afar lugood leh oo loo adeegsado in lagu daabulo dhaawaca iyo kuwa xanuunsan. Xaqiiqdii, ereyga ambalaas waxaa loo qeexi karaa mid guda ballaaran. Kuma koobna oo kaliya gaari dhigaha kore ku sita codbaahiye iyo ganbaleel – dhexdana uga cabaysan qalabkii lagula tacaali lahaa dhibanaha u baahan gargaarka degdegga ah. ...

Read More »

Gabar Jiir u karisay qoyska ay ku shaqeyso si ay kaga aarsato!

Porto Novo (Himilonetwork) – Gabar da’yar oo ku nool dalka Benin ayaa laba jiir u dishay si ay bariis ugu kariso kadibna u siiso reerka kaabe shaqaalaheeda – waayo waxay doonaysay inay aargudato. 15-jirtan oo magaceeda lagu sheegay Felicia kuna nool Cotonou waxaa lagu qasbay inay muuqaal fiidiyow ah ku qirato danbigeeda si deriska hareeraha ka dhow uga digtoonaadaan inay shaqaaleysiiyaan. Felicia ...

Read More »

Haweeney maqaayad ku dacwanaysa sababta dhimasho ee Eygeeda.

Muqdisho (Himilonetwork) – Haweeney ayaa dacwad ka gudbinaysa maqaayad kadib markii eygeeda uu u dhintay shaah kulul oo uu ku gubtay. 58-jirta lagu magacaabo Deanna Salas-Solano oo ku nool Colorado ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda Denver District Federal Court. Waxay raadinaysaa adduun dhan mag-dhow ah oo gaaraya 100,000$ – iyada oo ku sheeganeysa in eygeeda uu u dhintay dayacaad iyo mas’uuliyad darri ...

Read More »

Nin is-gubay markii saf bangi uu ku dheeraaday!

Melbourne (Himilonetwork) – Nin ku nool dalka Australia ayaa malaayiin Doolar qasaariyay gudaha Bangiga kadib markii uu dab isku qabtay – waayo waxaa ku dheeraaday safka loogu jiro adeegga bangiga. 22-jirka lagu magacaabo Nur Islam oo ku nool Melbourne, wuxuu sugaalka ugu jiray safka Bangiga Commonwealth Bank. Marka loo eego booliska, Islam oo ka yimid Myanmar, sharci-darrana ku jooga dalkaas, wuxuu doonayay inuu lacag ...

Read More »

Askari toogtay gabar uu jeclaa oo diiday inuu guursado.

Nairobi (Himilonetwork) – Sarkaal boolis kaas oo ay u cuntami weyday in gabar uu jeclaa ay diiday ayaa go’aansaday inuu dilo. Simon Njoroge Njau oo dalka Kenya ku nool wuxuu la kulmay Anne Wanjohi, oo 23-jir ah. Labaduba waxay bilaabeen inay xiriir fiican sameeyaan – durbana wuu jeclaaday. Si kastaba, gabadhu si lamid ah jaceylkiisa uma dareemin. Marka loo eego goob-joogayaal, ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!