crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mashruuc ila cun aniga oo dadka aan Muslimiinta ahayn lagu fahamsiinayo diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Mashruuc ila cun aniga oo dadka aan Muslimiinta ahayn lagu fahamsiinayo diinta Islaamka.

Seattle (Himilonetwork) – Laba haween oo degan magaalada Seattle  ayaa bilaabay mashruuc ila cun aniga kaas oo ay ku doonayaan inay ku beddelaan aragtida dadka aan Muslimiinta ahayn ka heystaan diinta Islaamka iyo umadda raacsan.
“Waxaan garowsannay inaan dadka isku barno la kulankeenna,” Fathiya Absie oo mashruucan la bilowday sanad kahor Ilays Aden ayaa u sheegtay warbaahinta. “Dhismaha kaabado. Dhismaha saaxiibo.”
Falkan wuxuu mar qura bilowday markii ol’olaha uu ku jiray Donald Trump, madax-weynaha Maraykanka kaas oo ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco gudaha US inta laga ogaanayo waxa qaldan ee dalka ka socda.
Labada haween oo asal ahaan Soomaali ah ayaa maalintii Jimcaha waxay mar kale mashruuca ila cun aniga ku qabteen kaniisad kamid ah magaalada. Waxaana kala soo qeyb-galay dad gaaraya 40 qof.
“Markii hore waxay ahaayeen 20, haddana 30, maantana ka badan,” ayay tiri Absie.
Hadafku waa in bulshada aan Muslimka aqoon fog u lahayn oo ay la nool yihiin laga dhaadhiciyo dhaqanka iyo akhlaaqda umadda Islaamka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!