crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2017 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: September 2017

Dhibta iyo halista xilliyada roobka ka curtaan geyigeenna.

Muqdisho (Himilonetwork) – Tilmaamaha laga bixiyo aragtida dhiiqada iyo wasaqda xilliyada roobku curto waxay u muuqdaan inaysan kala fogeyn. Dadka oo la qabsaday iyo maalmaha yar ee dhiiqada iyo uskaga ka dhasha oo in yar kaddib ku idlaada oogada dusheeda ayaa ka dhigtay in mowduuca dhiiqada iyo wasaqda xilliyada roobka aan aad loo faaqidin. Wax caadi ah ayay iska noqotay ...

Read More »

Sida loogu aflaxay Mashruucii Ol’olaha Horumarinta Reer Miyiga.

Muqdisho (Himilonetwork) – Guulaha ilaa iyo maanta muuqda ee dowladnimadii burburtay ee Soomaaliya laga dhaxlay waxaa had iyo jeer dib loogu celiyaa wax-qabadka Xukuumaddii Kacaanka ee Jaalle Siyaad Barre. Kahor af-ganbigii dhacay sanadkii 1969-kii, waddanka kama jirin horumar la taaban karo oo laga sameeyey kaabayaasha nolosha. Habka siyaasadeed ee waagaas oo ku sifeysnaa musuqmaasuq iyo qabyaalad iyo dadka oo aan ...

Read More »

Jawaabtii Aung San Suu ee Xasuuqa Muslimiinta Rohingya oo dunida laga canbaareeyey

New York (Himilonetwork) – Kadib toddobaadyo xiriir ah oo ay ka baaqsatay inay ka hadasho xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Burma, Aung San Suu Kyi waxay jeedisay khudbaddii ugu horreeyey oo la isku maandhaafay – taas oo ay canbaareeyeen madaxda caalamka, “Waxaan marar badan u sheegnay madaxda Burma inay dib ula noqdaan muwaadiniintooda ay xasuuqa kaga soo qixiyeen dhulkooda,” RW dalka Bangladesh, ...

Read More »

Daawo – Taariikhda Axmed al-Shaqiri.

Muqdisho (Himilonetwork) – Dunida Muslimka dadka raadadka kaga tagaya ee Umadda Islaamka qudwo fiican u noqday waa da’yarka Carbeed ee Ahmed Mazin al-Shuqairi kaas oo ku caan baxay barnaamijka Khawatir ee bixi jiray Ramadaan kasta. 11 sano ayuu soo waday kahor inta uusan sanadkii 2015-ka ku dhawaaqin inuu joojiyay. Hadaba waa kuma Ahmed? Halkan ka daawo taariikhdiisa iyo guulaha uu ...

Read More »

Maqaal – Fir-fircoonidu waa Fayoobi!

Muqdisho (Himilonetwork) – Fir-fircoonidu waa u heelanaanta shaqa kasto iyo soo hindisidda hal-abuur cusub si joogta ah taas oo ka imanaysa shaqsiyaad, urur gaar ah ama bulsho wada jirta. Howl u fir-fircoonaantu waxa ay hiil u tahay caafimaad qabka qofka, hawl-karimada iyo fayoobida waxaa ka dhaxeeya xiriir la isa suro. Dadka ayaa u kala carboon howl qabashada, isku sina uga ...

Read More »

Facebook oo lagu eedeeyey in xasuuqa Muslimiinta Rohingya ku diidan tahay in lagu muujiyo barteeda.

Muqdisho (Himilonetwork) – Geyfanayaasha iyo kooxaha xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeyey facebook inay post-yadooda muujinaya xasuuqa ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ka xayirtay, sidaas waxaa lagu yiri warbixin ay qortay The Daily Beast. “Waxaan ahay qof inta badan wax ka qora arrimaha ku saabsan dhibaatada heysata Muslimiinta Burma,” Rahem nin kusoo gaabiyay magaciisa – sababo amni awgeed – ayaa u sheegay The ...

Read More »

Jeed-jeedsiga Jeenyo iyo Jilicsanaanta Xiriirka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Todobo bil gudahood ayay kooxda LLPP Jeeyo labo mar ku dhawaaqday in ay iskaga baxday labada tartan ee ugu xiisaha badan kubadda cagta Soomaaliya. Bishii Maarso ee sanadkan ayay aheyd markii ay ku dhawaaqday in ay ka baxday tartanka horyaalka heerka koobaad oo markaas marayey halkii ugu xiisaha badnaa. In kasta oo kooxdu markaa aysan seegin kulan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!