crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaal – Fir-fircoonidu waa Fayoobi! | HimiloNetwork

Maqaal – Fir-fircoonidu waa Fayoobi!

Muqdisho (Himilonetwork) – Fir-fircoonidu waa u heelanaanta shaqa kasto iyo soo hindisidda hal-abuur cusub si joogta ah taas oo ka imanaysa shaqsiyaad, urur gaar ah ama bulsho wada jirta.
Howl u fir-fircoonaantu waxa ay hiil u tahay caafimaad qabka qofka, hawl-karimada iyo fayoobida waxaa ka dhaxeeya xiriir la isa suro. Dadka ayaa u kala carboon howl qabashada, isku sina uga soo bixin qabashadeedaa – iyada oo shaqo lagu wada jira ayaa haddana soo gudashadeeda lagu kala horreeyaa.
Sahanno caafimaad ayaa daaha ka qaaday in dadka hawlaha u fir-fircooon ee aan ku kalax tagin/iska badin  ay caafimaad qabka kaga horreeyaan kuwa aan u carbooneyn. Kuwa isku arka inaysan hawlaha u carbooneyn waxaa talo ahaan loo siiyaa iyana inay hawlaha ku ilaashadaan caafimaadkooda
Horu-dhac
Ka dib ku soo biiritaanka ifka qof kasta waxaa la kowsada hawlo dhaxalsiiya dhaq-dhaqaaq taasi oo meel iska fadhiisiga ka fogeeya. Si guud iyo si shaqsiba, dadweynaha dunida waxay la leg-damayaan waayaha noloshada – iyada oo tab iyo taagba la kala duwan yahay.
Waayo dhamaanteen waxaan u baahannahay waxaana ku  noolaano, waana waxa nagu  hoggaamiya inaan shaqeyno. Kuwo ku hawlan halganka wax soo saar, waxay marar badan waayuhu ka xagal-daaciyaan tiigsigooda gaareed ama guud, caafimaad darrada ayaana ka mid aha caqabadahaas.
Gunta
Markay hawli kuu taallo, waxaa si degdeg ah kuugu dhalanaya fikir ku foorara/qotoma sidaad u qabanayso, goorta aad bilaabayso,  iyo go’aan ficil oo dabayaal, waxaa qofka ku dhasha dareen u kala dab-qaada badankiisa,waxaa durba shaqeeya xubno isku howla fududeynta hawshaada kugu hor-gudban.
Tallaabooyinkan waxa ay qofka u sahlayaan inuusan ahaan qolfoof fadhiid ah oo aan ka shaqaysiin awoodihiisa qarsoon ama muuqdaba. Sababta oo ah qofku waxa uu karaa haddii uu iskarsiiyo inuu ahaado dhiifane oo ay wadajir u howl-galaan isaga iyo awoodda uu Alle ku manaystay.
In kasta oo aragtidayada qaar ay qabaan howlahoo kugu battaa inay leeyihiin dhibaatooyinkooda, haddana waxaa xoog badan kuwa qaba in faa’iidooyin laga helo, waxaa si cilmiyeysan loo ogaaday dadka howlaha ku fir-fircoon xittaa marka ay gaboobaan inay ka caafimaad fiican yihiin kuwa lidkooda ah.
Howl jireed joogta ah oo aad sameyso waxa ay gaashaan u tahay caafimaadkaada, waxayna hoos u dhigtaa suurta-galnimada ay kuugu dhici karaan cudurada loo caal waayey iyo kuwa la dabiibo balse ku dili kara haddaana lala tacaalin, doonta laga dugsan karo  halisahana waa la fal-gelidda howlaha badabn..
Tiir dhexaad cudud leh ayuu caafimaadku u yahay qof kasta, waayo haddaan qoys ama bulsho nahay waxaan u baahanahay qof iyo bulsho waxa soo saar leh, helidda rabitaankan waxaa door durugsan ku leh bad-qabka muwaadiniinta, si ay u muuqato qofka kasta iyo kaalintiisa wax-qabad – cabasho la’aan.
Saddex ayaa caafimaadka qofka gun u ah, haddii uu hagaajiyo gabaad ayay uga noqdaan xanuunnada halista ah balse haddii uusan daneyn dabin caafimaad darro ku rida, saddexdaas howl-qabashadaa gadda hore kaga jirta.
Geyiga Soomaaliya waxaa waayadan ku soo batay cudurro muwaadiniin badan haleelay oo jar ka tuuray ama hoos u dhigay kaalinta wax-tarkoodii mid gaar iyo mid guudba.  Waxaa hubaal ah in kuwo inoo hayay hawlo hagaagsan ama haystay kuwo shaqsiyadeed inay gabeen ka dib markii caafimaadku ka hiiliyey.
Cudurrada ugu halista badan waxa ay ku dhacan dadka magalooyinka ku nool, inkasta oo kuwa miyiga ku dhaqan qudhooda cudurro ay helaan, haddana way ka cayman kuwa loo caal waayey ee laga cabaado kuna  cusub Soomaalida.
Khubarada caafimaadka waxa ay arrinkaas barkood u tiiriyeen dhaq-dhaqaaqa hawleed ee muwaadiniinta oo kala duwan, iyada oo hawli ay hawli tahay haddana reer guuraaga miyiga waxaa waa baryey iyo gabbal dhacayba horyaalla hawlo ka tunweyn ku yaal caasimadaha.
Gunaanadka
Caafimaadku waa deeq uu Alle u hibeeyo cidduu la doono, halka fayoobi la’aantuna tahay ragaad roga riyada qofka, waxay dadka ku dadaalaan arrimo kale in badan oo naga mid ah sidaa uma danayno caafimaadkeena.
Dad badan ayay dhakhaatiirtu kula taliyaan inay hawl jireed sameeyaan. Soo jeedistaas waxay daliil diirran u tahay qiimaha hawli leedahay, waxaa kale oo aad maanka ku haysaa in hawsho muhiim u tahay dhanka caafimaadkaada iyo sharaftaadaba.
Biyo inaysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa, sidaa darteed inaan hawl dawo lagaaga dhigin waxaa habboon inaad ahaado mid hawl-qabashada u fir-fircoon si uu uga badbaado cudurrada kasbado fadhiidnimada.
Waxaa fure u ah caafimaadkaada hagaag-sanaantiisa sameynta hawl jireed, qaadashada hurdo kugu filan 8-9 saac iyo cunidda cunto isku dheelli-tiran, helidda cuntana waxa ay u baahan tahay hawl sidaa darteed u fir-fircoonow hawshaada si aad u hesho cuntadaas.
Talo Bixinta
In badan oo ka mid ah muwaadiniinteena ku nool magaalooyinka waxa ay hayaan hawl dhaq-dhaqaaq hawleedkoodu  yar yahay “Geel waa geel wixii gooyana waa geel” hawl jireedkooda yar ‘Jimicsigooda yar’ waxaa u kaabi kara  hawsha oo ay u fir-fircoonaadaan.
Howlkarnimadu kaliya uma roona kor ahaanshahaaga iyo sharaftaada, balse xasuusnow inay kaalin ku leedahay caafimaadkaaga, halka bad-qabkaaguna uu muhiim u yahay naftaada iyo bulshada kugu xeeranba.
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haadi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!