MUQDISHO (HN) — Naceybka iyo jirxumeyska ka dhanka ah Muslimiinta Yurub waxay joogtaa heerkii ugu sarreeyey. Farriin loo arkay inay waqtigeeda ku timid taas oo dhambaal togan u sida ayuu yiri madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier.
Steinmeier ayaa sheegay in ilbaxnimada, kala duwanaanshaha iyo dhaqanka bulshada Muslimiinta iyo diinta Islaamka inay ka qeyb yihiin dalnimada Jarmalka. Wuxuuna muwaadiniinta ugu yeeray inay tixgeliyaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu maamuusayay sannadguuradii 50aad ee kasoo wareegtay goortii la dhisay Islamic Cultural Centers (VIKZ), sida ay kusoo warrantay Anadolo Agency.
“Muslimiinta iyo diinta Islaamkuba waxay si gun dheer ugu xidideysteen nolosha dalka Jarmalka, waxayna wax ka qaabeeyaan jiritaankeeda,” ayuu yiri.
You must log in to post a comment.