MUQDISHO (HN) — Muslimiinta New York waxay hadda kaddib fasax u heystaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha inta lagu jiro bisha Soonqaad, waxaana go’aankaas ku dhawaaqay duqa magaalada, Eric Adams.
Iyada oo la raacayo sharciga loo ansixiyay, Masaajidu uma baahan doonaan idan marwalba oo ay rabaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha.
Duqa magaalada ayaa war qoraal ah ku sheegay in muddo badan aysan Muslimiintu helin fiiradii ay uga baahnaayeen maamulka – balse hadda kaddib mudnaan iyo tixgelin loo yeelan doono xaqa ay ku leeyihiin sida muwaadiniinta inay u cibaadeystaan si xor ah.
You must log in to post a comment.