crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dumarka iyo Baranbarada! | HimiloNetwork

Dumarka iyo Baranbarada!

MUQDISHO (HN) — Ma dhab baa mise been? Baranbaradu waa cayayaan la sheego inay ka cabsadaan dumarweynaha adduunka – gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed. Balse ilaa hadda majiraan seynisyahanno si qoto dheer uga dooda waxa sababaya cabsida dumarku ka qabaan baranbarada.

Baranbaradu waxay cunno la’aan noolaan kartaa muddo bil ah, waxayna labo toddobaad oo xiriir ah joogi kartaa biyo la’aan. Si ay wax u dhasho, nolosheeda oo dhan hal mar oo ay isku tagaan labka ayaa ku filan. Madaxa oo aan ku oolin ayay inta kale ka noolaan kartaa baranbaradu muddo toddobaad ah. Waana malaha middan dambe tan cabsida badan ku abuurtay dumarka.

Xagga socodka, muddo saacad ah ayay ka jari kartaa fogaan dhan saddex meyl ama shan kilometer. Waa cayayaannada dabjoogta ah waxayna ku nooshahay guryaha iyo meelaha qabow oo ay ka heli karto cunno iyo biyo.

Halis caafimaad ayaase laga qaadaa inaan la iska buufin sababta oo ah waxay sidaan 33 nuuc oo bakteeriyo ah kuwaas oo gaar ahaan u saameyn kara carruurta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!