HomeDunida MuslimkaXiddiga Jarmalka oo qaatay diinta Islaamka!

Xiddiga Jarmalka oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Cayaaryahanka Jarmalka u dhashay ee Robert Bauer ayaa qaatay Islaamka – isaga oo bartiisa Instagram-ka ku muujiyay.

Gaashaankan xulka qaranka Jarmalka u cayaara, naadiga Al-Tai FC ee ka dhisan Sucuudiga. Wuxuu bartiisa soo dhigay sawir uu salaadda dukanayo. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in qaadashadiisa diinta Islaamka ay kaalin weyn ka qaateen xaaskiisa iyo xigtadiisa, sida ay kusoo warramayso Free Press Journal.

Bartiisa ayuu sidoo kale kusoo qoray kelmado mahadcelin ah oo uu siinayo walaaladii qeybta ka qaatay inuu kamid noqdo qoyska ugu ballaaran dunida ee Muslimiinta.

Xiddigan ayaa heshiis sannad ah kula jira kooxda ka dhisan Sucuudiga

Islaamka ayaa ah diinta ugu weyn uguna faafidda badan caalamka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments