crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Madax-bannaanida Jabuuti waa Guusha Somaaliya. | HimiloNetwork
Djibouti, DJIBOUTI: Women celebrate as they watch a military parade 27 June 2007, marking the 30th anniversary of Djibouti's Independence in Djibouti city. French and US troops stationned in Djibouti took part in the parade. Djibouti became independent from France 27 June 1977. AFP PHOTO/JOSE CENDON (Photo credit should read JOSE CENDON/AFP via Getty Images)

Madax-bannaanida Jabuuti waa Guusha Somaaliya.

MUQDISHO (HN) — Jabuuti waa barta istiraatijiyadda bariga Afrika oo dhaca xeebta waqooyi bari ee Geeska Afrika. Waxay dhinaca ku heysaa Marinka Baab al-Mandab kaas oo kala seera ama kala gooya Badda Cas iyo Gacabnka Cadmeed.

Intii u dhaxaysay 1867-1967-kii waxaa loogu yeeri jiray Isticmaarka Faransiiska ee Dhulka Cafarta iyo Ciisaha. Markii la gaaray 1967-1977) dalkani wuxuu magaciisa Jabuuti qaatay durba markii uu xurnimadiisa ka helay Gumeystihii Faransiiska bishii July 27, 1977. Saddex iyo toban caasimadood oo magaca la wadaaga dalalkooda ayay kamid tahay caasimadda waddanka Djibouti oo la yiraahdo Djibouti.

Marka laga soo tago caasimaddana, magaalooyinkeeda waaweyn waxaa kamid ah Obock Cali Sabiix iyo Tuulada Carta oo ahayd halkii lagu soo dhisay dowladdii ku meel-gaarka ahayd ee Abdiqaasim Salaad Xasan bishii August sannadkii 2000.

Gu’yaalihii dhawaa waxay sameysay soo jiidasho ballaaran oo dhinaca maal-geshiga. Waxaana ay qeyb ka tahay Mashruuc Silk Road oo Shiinuhu ku doonayo inuu dunida geese-ka-gees kusoo xiro dalkiisa. Waxaana uu ka dhisay mid kamid ah dekadaha ugu casrisan Afrika oo ku fadhisa 580 milyan oo dollar sannakii 2017-ka. Qad tareenka isku xiraya Djibouti iyo caasimadda Addis Ababa ayaana sidoo kale isku xir iyo fursado dhaqaale oo tiro badan u abuuri kara muwaadiniinta.

Laakiin, bu’da juqraafi ahaaneed oo ay ka dhacdo dunida saddexaad ayaa siinaysa so jiidasho iyo loolan dhinaca sal-dhigashada ah. Waxaana ku yaala dhowr sal-dhigyo waaweyn ah oo ay ka sameysteen dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Talyaaniga iyo Faransiiska.

Sida uu sheegayo Gen Rodriguez, xiriirka ka dhaxeeya Washington iyo Djibouti kama hor-joogsanayo dalka Jabuuti inuu iskaashi xiriir military ah la sameeyo Shiinaha.

Sannadkii 2014-ka, Shiinaha iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis gaashaan-dhig iyo amni.  Mdaxweyne Geelle wuxuu tilmaamay in doorka Shiinaha ee dalkiisa uu yahay mid ay soo dhaweynayaan.

Xuduud lalahaanshaha dalka Erirtea oo ay isku qabteen soohdin dhuleed kala qeybsiya ayaa sababtay tiro mar ka badan uu ka dhex qarxi gaaro dagaal. Hayeeshe, 43 sano oo xiriir ah wuxuu dalkani ku naaloonayaa nabad iyo xasilooni bulsho. Wuxuuna ku raaxaysanayaa fursadaha iyo tabaha lagu horumarin karo bar juqraafiyadeedkeeda siyaasadeed.

Halgamayaashii usoo dhbar-adeygay inay taariikhda Jabuuti kasoo gabagabeeyaan isticmaarkii duldeganaa waxaa xusid mudan inay aad uga faa’iideysteen xurnimadii iyo madax-bannaanidii Somaaliya oo sida la og yahay door shariif ah iyo mid caadyaal ahba ka qaadaaty sidii uu heeryada gumeysigii Faransiiska uga xoroobi lahaa.

Mana ahayn guubaabo iyo garab istaag ciidan iyo cod diblomaasiyadeed middii ay Somaaliya la dhinac taagneyd xorreynta Jabuuti. Waxaase xusid mudan in halgamaasheeda qaar kamid ah sida Maxamuud Xarbi loogu magac-daray dugsiyada dadweynaha oo qaarkood ilaa iyo maanta ay shaqeeyaan.

Taarriikhda ayaa hadda ku doodi karta in miraha hankii iyo halgankii loo galay xorreynta dhulkii maqnaa uu kaliya ka hir-galay dalnimada Jabuuti oo labadii kale oo Jamhuuriyaddii Somaaliyeed ku dhisneyd oo hadda kala calanka iyo maamul duwan – ay ku hungoobeen inay ku guuleystaan madax-bannaanida labadii kale ee ka harsanaa Dhulkii Somaaliweyn taas beddelkeedana uu qarankii Somaaliyeed ku burburay.

Taariikhyahannada ayaa sidoo kale hadda caddeyn nool u heysta sababtii loogu baahnaa helidda dal madax bannaan oo Jabuuti la yiraahdo. Waayo qaran-jabkii dhacay iyo habowgii Somaali badan ay ku kala irdhowday wuxuu keensaday in qeyb kamid ah qowmiyadeeda oo dal iyo calan leh aysan kaliya marti-gelin iyo soo dhaweyn u ifidin balse ay mar kale inta karaankooda ah la baadigoobaan dib u dhalashada qarankii Somaaliya.

Waana qasab in maanta oo ay ku beegan tahay xurriyadda Jabuuti loo arko xurriyadeenna. Guusha ay ka gaareen xaqiijinta himilooyinka qarannimada iyo dowladnimadooda aynu ku faanno. Waayo gabagabada maalintii waa un iyaga kuwa qura oo si muuqda uga waraabay darkii dowladnimada iyo macaanka madax-bannaanida.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!