crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 26-ka June – Maalintii koowaad ee Madax-bannaanida Somaaliweyntii lagu hungoobay! | HimiloNetwork

26-ka June – Maalintii koowaad ee Madax-bannaanida Somaaliweyntii lagu hungoobay!

MUQDISHO (HN) — Waxay ahayd bilowga xurriyad iyo madax-banaani astaan qaranimo iyo qab umadeed suntan oo geyi kamid ah dhulka Somaalida uu ka helay gumeystayaashii dul-deganaa mid kamid ah. Dad badan waxay xusuusan yihiin sida habeenkaasu uga dhignaa dib-u-dhalasho iyo damaashaad aanay jirin ereyo lagu mcineyn karay. Markiise calankii Ingiriis ee ka dul banan jiray dhulka waqooyiga Somaaliya hoos loo dhigay, wuxuu ahaa sare u kacay hankii iyo doonistii adkeyd ee loo qabay xorreynta iyo madax-bannaanida gobolladii maqnaa.

Dad badan waxay ku doodi kareen waqtigaas in 26-ka June ay sees u ahayd shanta Somaaliyeed oo is dhinac wehesha. Hayeeshe taariikhda haddu waxay caddeyn u tahay inay ku qaldanaayeen aragtidaas. Waayo 61 sano kaddib, Somaaliyadii loo fishay inay isku keento gobolladii ku maqnaa gumeystayaasha ayaa sababtaas awgeed ku weyday qaranimadeeda. Waxaana maalintani aysan micno weyn ugu fadhin gobollada waqooyi ee Jamhuuriyadda Somaaliya kuwas oo 30- sano kahor ku dhawaaqay inay isaga go’een Somaaliya inteeda kale. Taas beddelkeeda waxay xusaan 18 May oo ah berigii ay ku dhawaaqeen gooni-isu-taagga.

Halka dad badan, oo indheergaradka dersa siyaasadda iyo wacdaraha taariikhda ay aaminsan yihiin in bulshooyinka Somaalida ee ku kala nool dhulka Somaaliya aysan lumin rejadii ahayd midnimada iyo wadajirka, haddana sansaanka iyo saha siyaasadeed ee ka jira maamulladii dhismay taniyo markii dalku burburay, wax weyn kama xoojin karaan rejadaas.

Marka si dhowse loogu fiirsado xamaasadda iyo xiisaha toddobaadka xurriyadda dalka waxaa muuqanaysa in jiil dhan oo ku qaangaaray dowlad la’aanta ay sidaan farriimo ka tarjumaya is-lahaanshiyo umadeed iyo wada lahaansho dalnimo. 48-kii saac ee lasoo dhaafay magaala-madaxda dalka iyo qeybo badan oo gobollada kamid ah waxaa laga dareemay mugga iyo xaddiga uu la ekaa isku-soo baxyada lagu weyneynayo xuska maalinta xurriyadda gobollada waqooyi ee 26 June.

Baraha bulshada waxaa ruxaya muqaallada iyo sawirada calanka Jamhuuriyadda oo rag iyo dumar iyo carruurta yaryarba ay ku lebisan yihiin – iyaga oo wadajir iyo keli-keliba ugu luuqaynaya heesihii loo qaaday madax-banaanida iyo gobanimo-doonka.

In kasta oo maalintani kamid tahay maalmaha fasaxa qaran oo aanay jirin xarumo dowladeed oo furan bixinta adeegyada shacabka, haddana nolosha magaaladu waxay u soconeysaa si caadi ah. Qaar badan oo hey’adaha iyo shirkadaha aan dowliga ahayn kamid ah ayaa sidoo kale xusid mudan inay fasaxeen shaqaalahooda.

Marka aan usoo laabano 26 June, su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay Somaaliya kasokow inay xurnimadeeda ka heshay gumeystayaashii reer Yurub, wali shacabka Somaaliyeed ma heleen dhadhankii iyo macaankii dowladnimada? 60 sano Somaaliya waxay waqti iyo juhdi adag gelisay soo xero-gelinta dhulkii kale ee Somaaliweyn – waana mid kamid ah sababihii soo dedejiyay burburkeeda oo qeyb ahaan loo celiyo dagaalkii Itoobiya ee 77.

Halka ay iska cadahay in dadaal walba oo umaddu u gashay inay midnimadeeda iyo wada-noolaanshiyaheeda dhiig iyo dhidid badan u bixiso aanay yeelan dhammaad loo aayay, haddana mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa ku sugan hubaal la’aan. Sida iyo waxa ay ku dambeyn doonaan labadii gobol oo asalka u ahaa dhismaha dowladnimada ayaan caddeyn.

Waxaase caadyaal ah in rajadii iyo qabkii iyo hankii laga lahaa soo xero-gelinta dhulalkii maqnaa ay la dhinteen qarankii Somaaliyeed oo aanay marnaba muuqaan ifafaalo tilmaami kara haddii mustaqbalka la arki doono Somaaliweyn ku midowda calan iyo cudud ciidan oo qura.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakariya@himilonetwork.com  

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!