crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mohamed Ali oo loogu magac-darayo garoon diyaaradeed. | HimiloNetwork

Mohamed Ali oo loogu magac-darayo garoon diyaaradeed.

MUQDISHO (Himilonetwork) — Gegida dayuuradaha Louisville oo ku yaalla Kentucky, USA, ayaa ku dhawaaqday inay magaceeda u bedelayso Mohamed Ali si loo sharfo halganka feeryahankii weynaa.
“Waxaa inoo farxad ah inaan ku dhawaaqno in magaca gegida dayuuradaha aan u beddelayno Louisville Muhammad Ali,” ayaa lagu soo daabacay barta twitter-ka.
“In la nooleeyo dhaxalka Mohammed Ali waxay muhiim u tahay magaaladiisa uu ku dhashay.”
Ali ayaa ku dhashay Louisville kuna soo barbaaray, wuxuuna kamid noqday shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee degmadiisa kasoo if baxa.
Afada Mahamed Ali, Lonnie Ali, ayaa soo dhaweysay tallaabada seygeeda loogu magac-daray gegida.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!