RIYAD (Himilonetwork) — Qisada haweeney muddo 30 sannadood ah ururinaysa keyd lacageed si ay masjid ugu dhisto ayaa ku baahday baraha bulshada.
Sheekadeeda ayaa bilowday inay ku faafto barta twitter-ka kaddib markii wiilkeeda, Mohammad Al Harbi, uu soo dhigay maalintii Isniinta.
Wuxuu soo dhigay sawirka hooyadiis oo dhex taagan wax u muuqda dhismo qabyo ah oo howl ay wali ku socto.
Saacad kaddib markii uu soo dhigayna, waxay si dhaqsiinyo leh ugu baahday baraha bulshada halkaas oo aragtiyo soo dhaweyn iyo hambalyo u badan loo soo diray.