crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney – si ay Masjid u dhisto – muddo 30 sanno ah ururin jirtay lacagta biilka! | HimiloNetwork

Haweeney – si ay Masjid u dhisto – muddo 30 sanno ah ururin jirtay lacagta biilka!

RIYAD (Himilonetwork) — Qisada haweeney muddo 30 sannadood ah ururinaysa keyd lacageed si ay masjid ugu dhisto ayaa ku baahday baraha bulshada.
Sheekadeeda ayaa bilowday inay ku faafto barta twitter-ka kaddib markii wiilkeeda, Mohammad Al Harbi, uu soo dhigay maalintii Isniinta.
Wuxuu soo dhigay sawirka hooyadiis oo dhex taagan wax u muuqda dhismo qabyo ah oo howl ay wali ku socto.
Saacad kaddib markii uu soo dhigayna, waxay si dhaqsiinyo leh ugu baahday baraha bulshada halkaas oo aragtiyo soo dhaweyn iyo hambalyo u badan loo soo diray.
Mid kamid ah dadkii wadaagay ayaa yiri; ‘haddii aan heysan lahaa lacag igu filan, waxaan dib ugu wada celin lahaa dhammaan lacagtii kaga baxday dhismaha Masjidka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!