90-jir ‘Qaadatay’ Diinta Islaamka.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
January 13, 2019
553 Views
CEBU (Himilonetwork) — Haweeney 90-jir ah oo ku nool dalka Filibiin ayaa ugu danbeyn qaadatay diinta Islaamka – dadaal ay wadajir u bixiyeen Naadiga dacwada (IERA) oo fadhigeedu yahay UK iyo dadka degaanka.
“Alxamdullilah, haweeneydan waxay meel dheer nooga timid si ay Shahaadada horteeda ugu qaadato,” ayaa lagu yiri qoraal la socday muuqaal ay barteeda soo dhigtay (IERA).
“Da’da 90-jirka ayay ku qaadatay diinta Islaamka, waxaana aynu goobjoog ka aheyn madashii ay ku aqbashay go’aanka nolosheeda beddeli doona.”
Muuqaalka oo ku baahay baraha bulshada sida facebook ayaa lagu muujiyay bogaadin iyo hambalyeyn.
Diinta Islaamka ayaa 200 oo sannadood kahor diinta Masiixiyadda soo gaartay dalka Filibiin.
Muslimiinta ayaa 8% ka ah tirada dadweynaha dalka u badan Masiixiyadda ee Filibiin.
Related
2019-01-13
You must log in to post a comment.