Muslim loo ganaaxay fagaare-ka-dhihidda Kalmadda Allahu Akbar!
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
January 13, 2019
410 Views
MUQDISHO (Himilonetwork) — Da’yar Muslim ah oo ku nool Switzerland ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 210 Swiss francs ama £170, kaddib markii uu kor u yiri kalmadda ‘Allahu Akbar’ – xilli uu farxad ku qaabilayay saaxiibkiis oo ay muddo kala maqnaayeen.
Orhan E, oo 22-jir ah ayaa markii uu ku dhawaaqay kalmadda, waxaa durba u yeeray booliska magaalada Schaffhausen. Waxayna u sheegeen inuu bixiyo lacag ganaax ah maadaama uu qalqal geliyay dareenka dadweynaha.
“Durba booliska ayaa iigu yeeray inaan u sheego waxa aan kala jeedo kalmadda Allahu Akbar.” ayuu yiri Orhan.
Orhan ayaa intaas kaddib u sheegay inuusan qalad kala jeedin oraahda ‘Allaa-weyn’ balse ka Muslim ahaan ay adeegsadaan maalin walba.
Waxaa intaas kaddib loo sheegay inuu bixiyo lacag ganaax ah oo gaaraysa 150 Swiss francs.
Booliska ayaa difaacay falkooda ganaaxa ah oo ay saareen Orhan.
Kalmadda Allahu Akbar ayaa noqotay mid si qaldan uga dhaadhacday shucuubta ku dhaqan qaaradda Yurub oo badanaa ay la xiriiriyaan falal argagaxisanimo.
Related
2019-01-13
You must log in to post a comment.