crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Maqaayadda guur-guurta ee Maandeeq. | HimiloNetwork

La kulan – Maqaayadda guur-guurta ee Maandeeq.

MUQDISHO (Himilonetwork) – Dhawaaqa gaari ee dhagihiinna kusoo dhacaya, waxaa dhacda inuu kuula muuqdo sida gaadiidka kale. Balse marka uu dhinac istaago geeska laamiga – kaddibna aad aragto isaga oo daaqadaha looga furayo – si aad uga iibsato adeeg cunnooyin ah, waxaad ogaaneysaa inaadan u baaheyn kaliya maqaayad maguurto ah inaad wax kasoo cunto.
Tani waa Maqaayadda guur-guurta ee Maandeeq oo sannadkii tagay daba-yaaqadiisa ay aas-aaseen dhalinyaro da’yar ah kuwaas oo si maalinle ah uga howl-galiya badi is-goysyada qaar ee caasimadda Muqdisho.
In hibada hal-abuurka aysan bilow mooyee dhammaad laheyn, waxaa si cad looga garan karaa kobaca dhaqan-dhaqaale ee ganacsiyada yaryar ee dalka kuwaas oo muujinaya ifafaalo qurux badan.
Mahad waxaa laga celin karaa fahamka iyo xiriirka baahaya oo bulshadeennu la leedahay dunida kale. Maanta ku dhawaad hal-abuur walba wuxuu leeyahay muuqaal hor leh iyo macaash muuqda. Taas oo dhabtii muujinaysa rajo kasoo dhex iftiimaysa dal badi dhalinyaradiisu aysan helin dowlad u maal-gelisa gaaxda ku keydsan maskaxdooda.
Balse dhalinyaro badan uma arkin caqabad inay la noolaadaan shaqo la’aanta.
Iyaga oo kaashanaya ra’sumaalkooda gaarka ah, waxay awoodeen in fikradda hal-abuurkooda ay ficil u rogaan. Haddaba sidee ayay u shaqeysaa maqaayadda guur-guurta ee Maaandeeq?  Axmed Abdulqaadir waa mid kamid ah howlwadeenna maqaayadda.
“Si maalinle ah ayaan u shaqeynaa, waxaana aynu ku jirnaa waqti mashquulkiisa leh,” ayuu yiri. “Dadweynahana waxaan ka heleynaa soo dhaweyn fiican.”
In kasta oo maqaayaddu ku jirto bilow hore, haddana badi dadka ay kula kulmaan waddooyinka ee wax ka iibsada waa kuwo la dhacsan adeeggooda sida Cabdiraxmaan Axmed.
“Runtii waxay aheyd shaqo muuqata; annaguna waa la dhacnay bilowgiiba,” ayuu yiri. “Waxay dhabtii na xusuusinaysaa sida muuqata oo la iskugu dheelli-tiri karo baahida jirta iyo fursadaha dahsoon.”
Jiritaanka xaaladaha adag ee dalka ka jira waxay marwalba yeelan karaan awood ay ku raadeeyaan nolosha da’yar badan kuwaas oo ku qanca inaysan helin fursado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda. Hayeeshe waxaa jira in kale oo jawaab muuqata ka bixin kara fursadaha dahsoon ee ka dhex jira hal-wareegga ganacsi ee dalka. Waxaana ay gelinayaan maskax iyo maal si ay u xaqiijiyaan.
Qore: Maxamed Qadar Abdi.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!